Dooni Siday Tahriibeyaal Soomaali Ah Oo Faro Cidood Kaga Badbaaday In Ay Haliganto iyo Saddex Qof Oo La Xaqiijiyay In Ay Jidka Ku Soo Dhinteen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dooni Siday Tahriibeyaal Soomaali Ah Oo Faro Cidood Kaga Badbaaday In Ay Haliganto iyo Saddex Qof Oo La Xaqiijiyay In Ay Jidka Ku Soo Dhinteen
August 5, 2013 - Written by editor

Labadii bilood ee ugu dambeeyay waxa dalka Libya gaadhay Tahriibeyaashii ugu badnaa ee Soomaali iyo ajanabi kale ah.

Rome (WJN) – Dooni ay saarnaayeen 90 qof oo soomaali ah ayaa goor dhaweyd la sheegay in ay ku xidhatay Xeebaha dalka Talyaaniga.

Doontan oo ka soo shiraaqatay Xeebaha wadanka Libya ayaa waxa la sheegay in ay saddex qof oo dumar ahi ay ku dhinteen, halka 87 kalena la badbaadiyay.

Dadkan la badbaadiyay oo u waramayay warbaahinta

ayaa sheegay in ay xaaladooda caafimaad fiican tahay isla markaana ay ka soo shiraaqdeen xeebaha dalka Liibiya muddo hada laga joogo Shan maalmood.

Xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin Tahriibeyaashani ayaa aad looga dayrinayaa, waxaana jidhkooda ka muuqda diif ba?an.

Dadkan tahriibeyaasha ah ayaa waxa ay wararku sheegayaan in ay dalkooda ay uga carareen sidii ay u raadsan lahaayeen nolol ka fiican  ta ay ku haysteen dalkooda.

Labadii bilood ee ugu dambeeyay waxa dalka Libya gaadhay Tahriibeyaashii ugu badnaa ee Soomaali iyo ajanabi kale ah.

WAJAALENEWS/OFFICE

Contact Us : wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS