|
|||||
WAJAALE NEWS
Dhibaatooyinka Hor taagan Dhaliinyarada Somaliland
August 24, 2013 - Written by Wariye:Hargeisa(Wajaale News)-Dhaliinyarda Somaliland maanta waxay utafa xayteen siday uheli lahaayeen aqoon iyo siday ukasban lahaayeen waxbarsho laxaadle waayo waxaa kuu cadaynaysa hadii aad subaxa hore eegto magaalooyinka Somaliland gaar ahaan caasimada Hargeisa waxaad arkaysaa dhaliinyarada aadka utirada badan ee Buugta xanbaarsan ee kalahaysa ee ordaysa, waxaad is waydiisaa maxay uhalgamayaan dhaliintaasi?waa inay wax bartaan oo ay aqoon helaan dadkooda ,diintooda iyo dadkoodaba ku anfacaan, waxay hayaan dhaliintaasi dhiiranaan ay wax ku bartaan iyo rajo inuun ka hayso inuu dalku mar uun sidan ka soo rayn dooto, waxay murogoodaan dhaliintaasi markay arkaan muranada siyaasadeed ee xun xun ee dalka hadheeyey xag walba ha noqotee xaga siyaasada, dhaqaalaha iyo dhaqanka, waxay ooyaan oo murugoodaan markay maqlaan kumanaanka kun ee badwaynta iyo saxaraha ku haligmay ee boqolaalka qoys ku ubad waayeen markaasay is waydiiyaan tolow yaa ka masuul ah dhaliintaa? Miyaanay dal lahayn? Miyaanay dad lahayn? Waxa usoo baxda jawaabta ah in dal iyo dadba ay leeyihiin laakiin ay ku mashquuleen hebel bedel oo hebel keen, Xisbi helel cadaadi oo xisbi hebel soo dhawee, iyo yooyootanka siyaasadeed oon ka fogayn qabiil iyo qudhun aan sal iyo raad toona lahayn, laakiin waxa cad oon caad saarnayn in aanay gaadhin xiligii loo baahnaa dhaliinyarada oo ah xiliga lagu jiro loolanka siyaasadeed oo dhaameelka loo lulo dhaliinyarada rajo kun jeer beenawdayna la galiyo oo mudooyin badan ay goob joog usoo ahaayeen. Laakiin waxa nasiib daro ah in sanadba sanadka ka danbaysa wuu sii xoogaysanayo waxa loogu yeedho ama loo yaqaan tahriibtu walina aan xal rasmi ah loo hayn gudidii doontaba ha la saaree cidii doontaba ha loo diree waayo waxa kala baaxad wayn dalka iyo dadka, marka xiligan laga eego laakiin dalku inama gabin ee hagrasho ayaa jirta oo cidna cid waxba uma ogola qorshe xumana way inoogu biirtay, dadka Somaliland ku nooli waa 3.5 hantida kaliyee aynu haysanaana waa dhaliinyaro markaa hadii qofku hantidiisa dhawran waayo cid u ilaalin kartaa ma jirto, maaha in la adeegsado maalinta ka kacaayda ee xisbi xisbi loo ordayo oo dhalinyarda lagu ababiyo nidaam qabiil oo aad ufool xun oo ah waxa maanta halkaa ina dhigay ee waa in sidaa si ka balaadhan looga faa’idaystaa. Waxaynu leenahay Wasaarada dhaliinyarada, ciyaaradaha iyo dhaqanka Somaliland oo qaranka wakiil uga ah dhaliinyarada xaaladeeda waad ka war haysaan waa kuwa ugu Budget ka yar Wasaaradaha waayo waxaad dareemaysaa in dhaliinyaradu qaranka Somaliland muhiimad badan aanu siinayn lexejeclana ka hayn waxa ka awood roon wasaarada qaranka uga wakiilka ah dhaliinyarada Somaliland NGO’s yar yar ee maxaliga ah taasina waa uhan waynaan la’aanta dhaliinyarada iyo qorshe xumada masuuliyiinteena aan dooranay ma filayo inay aqoon la’aan tahay haday tahayna waxay garan waayeen in xooga dhaliinyarda xaga haboon uga faa’idaystaan oo muruqooda iyo maskaxdooda ay xaga haboon u isticmaalaan Wali lama hayo tirikoob rasmi ah oo lagu qiyaaso dhaliinyarada Somaliland laakiin waxa marag ma doon ah inay maanta yihiin cida ugu badan uguna dar xumada badan dhinac kasta marka laga eego hadaan dib ugu yara noqo Baaxada dhaliinyarada dalkeena waxaad ka eegtaa xaga waxbarashada imisaa hada wax dhigta, ardeyda Iskuulada Somaliland dhigataa guud ahaan sida Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare waxay Gaadhayaan 200,000 oo ardey, ardeyda Dhigata Jaamacadaha kala duwan ee dalkuna waxay gaadhayaan 20 ,000 oo ardey, Taas oo hadana Dhawaan La isku raacey in Somalinad 3dii caruuraba mid keliya uu nasiib u helo in uu wax barto waayo waxaan inoo saamaxayn dhaqaalaha iyo dadkeenoo ubadan reer miyi mid iyo laba mooyee aan dhamaantood aanay uga maarmayn baylahda taala awgeed. Intaasi waa inta waxa dhigata hadaba dib uyara eeg kuwii kasoo baxay Jaamacadaha dalka iyo dibada oo soo qalin jabiyey, halkay joogaan? Yaa ka war-haya? Maxay noloshoodu ku danbaysay? Waxa nasiib daro ah in maanta badihii Talyaanigu la ciir ciirayaan dhaliin 14sanadood waalidkood ku soo tabcayeen oo dalkan iyo dadkan wax usoo bartay markay waayeen cid hagta iyo barnaamij lagu hago iyo muuqaal mustaqbal oo meelnaba uga ifi waayey inuu ku dhaco qalbi jab dabadeedna ay ciil iyo cadho kula dul dhaceen dhulkaaga u kac. Dhibaatooyinka maanta taagan ee dhaliinyarada haystaa way fara badan yihiin laakiin waxaan ka xusi lahaa uun hal mid oo laf dhabar u ah kuwa kaloo dhan dawona unoqonaysa wixii kaloo dhan taasoo ah 1. Shaqo la’aan( Lack of Employment opportunities ) Waxaad la socotaan in maanta dalka ay ka jirto Shaqo la’aan baahsan taasoo markii qorshe loo waayey dhaliinyaradii isku qanciyeen in meesha wax yaalaaba aanu jirin, waxay arkeen kii ubaahda inuu shaqo raadsado markii lagu yidhi suldaankaaga uyeedh xagii uu imtixaan ka gali lahaa waa suldaan aanay waligiiba is arag oo aanu aqoon waayo wuxuu wax ubaranayey inuu wax ku helo oo u tartamo hadii hawshuba suldaan iyo caaqil ku xidhan tahay wuxuu is way diiyey maxaad udaali jirtay. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|