Degmada Allaybaday yaa u maqan? (By:khaalid cabdi shiil) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Degmada Allaybaday yaa u maqan? (By:khaalid cabdi shiil)
August 21, 2013 - Written by editor

Degmada Allaybaday oo ku taala Gobolka Gabilay gar ahaana 45 km kaxigta dhinaca Koonfur Bari ee Xuduudka Somaliland iyo Ethiopia, waa Dagmo Taariikhiya oo Wakhtigii Halgankii dibu xoraynta dalka ee SNM ka soo qaadatay kaalin mug leh oo isla markaana ka mid ahayd meelihii ay Gobolnimo u aqoonsanaayeen Madaxdii Ururkii Xaq u dirirka ee SNM. Waxa ay intii aynu wadanka ku jirnay noqotay Dagmo derejedeedu tahay D, waqtigii Alle ha u naxariistee Marxuum M.I.Cigaal ahaa Madaxwaynaha Somaliland. taasoo runtii ahayd mid aan u qalmin waayo marka loo eego Xeerka Maamulka Gobolada iyo Degmoyinka dalka Xeer No: 23/2002, Qodobkiisa sadexaad(3),  oo waajibinaya shuruudaha  loo eego magacaabida Gobolada/Degmooyinka dalka oo kala ah
1. Baaxada Dhulka ay ku fadhido.
2. Miisaanka iyo Baaxada Dadweynaha Deegaanka ku nool.
3. Wax soo saarkeeda iyo Khayraadkeeda Dabeeciga ah Ee ay leedahay.
4. Isku filaansho iyo hanashada Adeegyada Arrimaha Bulshada, waa in ay degmadu hanan kartaa boqolkiiba lixdan 60% miisaaniyadeeda uguyaraan.
Waxa marag ma doon ah in degmooyinka somaliland ay Allaybaday ka mid tahay kuwa tirade yar ee buuxin kara shuruudahaa xeerka, laakiin ay wayday uun cid ku faanta oo wax u qabata ama u hadasha uun, waayo haddii sida sharcigu dhigayo la qiimeeyo waxaan qabaa in ay kaba hor mari lahayd Degmooyin C ama B ah oo afka dadkeeda uun ku ah Degmo. “Nin baa bari nin kale oo ay sheekaysanayeen aad ugu ammaanay Geela , markaas ayuu kii loo sheekaynayay ku yidhi ninkii, walaal Ilaahay baan kugu dhaarshee waa imisa Geeliinu? Kuye waa sodomeeye, wuxuu islahaa malaha Geel ka badan kooga oo ah Tiro ama Boqol baaka jaray ayay leeyihiin uu soo booday oo yidhi’ waryaa ileen anagaa Geel lahayne wax ku faana ayuu waayay ! !.’
Wasaarada Daakhiliga Wasiirradii isaga dambeeyay, marka laga reebo wasiirka hadda ku cusub xilka wasaaradda ee Mudane Cali Maxamed Warancadde oo Degmaddani ka filayso in uu hoos u eego baahiyahaheeda oo ka diwanaado kuwii ka horeeyay oo dhamaantood ku fashilmay in ay gutaan waajibaadkooga shaqo ee ku xusan qodobka 8 aad ee xeerkan  No: 23/2002, iyo Qod:12(1) ee Dastuurka J.S.L kaasoo Degmada Allaybaday iyo Kuwa lamidka ah ee buuxiyay shuruudaha qodobbadan ay xaq sharciya u lahaayeen lagu dabaqo aanay ka helin fulintiisa ayaa hadana ay ka qatan tahay Horumarkii dalka iyo Kaabayaasha bulshada iyadoo aan dawladii Reyaale wax badan u qaban hadana ay iska muuqatay uun oo ay dhaantay sidan hadda ay hawada ka baxday magaceegii iyo haybadeediiba dadkeeguna waxay rajaynayeen in ay Dawladdii baahiyaheeda oo dhan wax ka qaban lahayd ee Kulmiye la soo baxaan, timid,  laakiin waxa lagu doodi karaa in hadda quus ay ku dhaw yihiin reer Allaybaday. Waxyaabihii uu Madaxwayne Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiye ugu balan qaadeen oo badnaana waxa ka mid ahaa: Wado Laami ah oo isku xidha Degmada Allaybaday iyo ta Gabilley tagta.


Degmada oo masaafad 40 afartan KM. ah u jirta laamida tagta Gabillay oo leh muhiimado badan oo ah xaga Beeraha iyo Ganacsiga Sayladda Xoolahaba, oo Cashuur badani ka soo xerooto ayaa  dhibaato culus ay ka haysaa xagga waddo la’aanta. Madaxwayne Siilaanyo wuxuu dhawr jeer taageerayaashiisii Allaybaday oo uu u tagay codna u doontay, ugu ballan qaaday dhismaha wadadaa isagoo xukuumaddii Reyaalena ku dhaliilay in ay hagratay Degmo sidan Allaybaday u muhiim ah. Haddaba, Madaxwayne reer Allaybaday tallow Shanta danbe maxay idinku aamini Adiga iyo Xisbigaaga Kulmiye, ma marka labada sano ee kuu hadhay dhamaadaan ayaad kaambaynka danbe u Dhagax Dhig is leedahay Wadada, mise Allaybaday way kaa saamaxday Ballantii ayaa lagugu yidhi?!! Waxay reer Allaybaday la yaaban yihiin sababta Degmoyin aanad iska daa balan qaadoo aanad tagin xiligii ololaha oo Xisbi kalena taageersanaa aad Kiiloomitiro Laamiya u dhistay iyadoo aanaan ka xumayn balse iyana aad ku ilowday Ballantaadii aad Codka nagaga heshay oo Alle ku waydiin doono.


Haddii waddo, carro tuulna ha noqotee aan lagaa hayn Madaxwayne, maxaad Wasiiradaadu wax uga qaban la’ yihiin baahiyihii adeegyada Dawladda ee dadwaynuhu u baahnaa oo kuu noqon lahaa cudur daar iyo sumcad aad bari ka maalin la hor tagtaan Dadwaynaha reer Allaybaday, sida:-
Dhismaha Ceelal Biyood oo ay helaan dadka iyo xoolaha iyo beeraha Degmadu,
Xarumo Caafimaad sida Cisbitaal loo dhiso Magaalada iyo MCH- yo tuulooyinka ah.
Ciidan Suga Nabad Galyada Degmada oo ku taala Xadka Itoobiya iyo Somaliland:
Madaxwayne,  Degmada Allaybaday oo aad Garanaysid in uu maro Xadka u dhaxeeya Ethiopia iyo Somaliland, waxa ka hawl gala oo jooga tiro ka yar 10 (Toban) Askari oo Police ah ciidan qarana maba joogo laakiin iyadoo ay Shicibka reer Allaybaday yihiin kuwo ilaashada amnigooda una diyaara Difaaca cadowga Somaliland iyo ka wadamada jaarka ahba, miyaanay muraayada wadanka ceeb ku ahayn sidaasi?
Dhismaha Maxkamad sugta Cadaaladda:


waxa Madaxwayne xukuumadaada ceeb ku ah  Degmo maamusha 28 Tuulo oo ay ku nool yihiin dadwayne tiradoodu ku dhaw dahay 30,000( sodon kun oo qof) sida ku cad diiwaan galintii ugu danbaysay ee wadanka oo aan lahayn Qol/Makhsin na dhahoo meel loo qorsheeyay maxkamad ka shaqaysa Caddaalada, miyayna Ceeb ahayn in labada qof ee is dacweeya ama wax kala gaadhaan  kiisaskooda la geeyo Gabilay oo 50KM oo raf ah u jirta, qaarna ay dulmane u ahaadaan dhawrka Askari ee Degmada jooga oo qabta shaqadii Garsoorkana ama ay dugashadaan Caddaalad darro ama Nidaamka Xeer Dhaqameedka iyo Xiliyadii Dawlad la’aanta.
Dhismaha Jeel ama Xabsi iyadoo ay maxaabiista u dhalatay degmadu qoysaskoodii oo ka fog awgeed ugu dhib mutaan Jeelka Gabilay marka lagu xabiso, Daranyo bandanna ku hesho.
Dhamaan Xarumaha ama xafiisyadii Dawlad Dhexe oo aan ka furnayn
shacabka Degmadu waxay adeegyada dawliga ah u doontaan Gabiley.


Wax ka qabashada Dhuxulaysiga dhirta oo fara baas ku haya Deegaanka
Qodka : 18 ee Dastuurku wuxuu “ku waajibiyay xukuumada dhexe ilaalinta fayadhawrka deegaanka iyo dadka” oo aan waxba laga qaban,  xukuumadduna ay ku mudan karto xilgudasho la’aan.


Waxa Intaaba maanta kaga daran oo Alle Baday Degmadan maanta Madax dhaqameed liita oo aan is dhaamin una damqanayn oon maalina ka hadal Danta Degmada ay Dadkeeda matalaan,  balse aan garanayn waajibkaa ama u adeegta dano kale, waayo sida madax dhaqameedyada dhigooda ah ee degmooyinka kale ayay ugu hadli lahaayeen dadkooda isla markaana masuulka iyaga matala ula xisaabtami lahaayeen ama ka dalban lahaayeen Madaxwaynaha  waayo  irbadna dun u may galin degmada wali.


Waxaan gabagabadii u soo jeedinayaa dhamaan Bulshada degta Degmaddan Gudo iyo Dibbadba  in ay hadlaan oo ay dalbadaan Waxqabad Rasmiya, waayo  Degmada Allaybaday uma baahna sida gabadhii laga hayay “MAGACUBA I DEEQ”,  waxana wacan haddii Xukuumada Siilaanyo laga war cad in si dhakhso ah oo cad ay reer Allaybaday uga tashadaan aayahooda kana fiirsadaan doorashooyinka soo socda taageeradii ay la garab is taagnaayeen xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE. Ilayn Aamuska Alle ma Badine.

 

By:

Khalid Cabdi Shiil

COMMENTS
LINKS