|
|||||
WAJAALE NEWS
Deegaanka Xariirad Oo Laga Cabsi Qabo In Colaado Beeleed Ka Aloosmaan Iyo Golaha Guurtida Oo Ku Guuldaraystay Xalinta Xiisadaha Cakiran Ee Ka Taagan Galbeedka Dalka
August 6, 2013 - Written by editorHargeysa -(WJN) – Degmada Xariirad ee gobolka Selel oo ay ka dhaceen muddooyinkii dambe laba dil oo ka dhashay aanooyin ay kala tirsanayeen labada beelood ee deegaankaas wada
Hargeysa -(WJN) – Degmada Xariirad ee gobolka Selel oo ay ka dhaceen muddooyinkii dambe laba dil oo ka dhashay aanooyin ay kala tirsanayeen labada beelood ee deegaankaas wada dega oo ilaa hada aanay xukuumada Somaliland aanay shaqaaqooyinkaasi ka taagan deegaankaasi aanay xal dhamaystiran u helin, ayaa maalmahan ugu dameeyay laga dareemayay cabsi iyo xaalado amaan daro oo ka soo cusboonaaday. Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen dad goob joog ku ah degmada xariirad ayaa sheegay in habeen hore saqdii dhexe dablay hubaysan oo la sheegay inay ka soo jeedaan beelaha deegaankaasi ay rasaas huwiyeen dad socoto ah oo marayay duleedka Xariirad, taas oo ilo wareedyadu tibaaxeen in dadkii rasaasta lagu riday la caydhsadaysla markaana ay dhaawacyo fududi ka soo gaadheen dablaydii caydhsanaysay. Maleeshiyo ka soo jeeda labada Beelood midkood Rasaas Ooda kaga qaaday Dad socoto ah oo marayay Duleedka magaaladda, taasoo sababtay Naf xaraarihii in dhaawacyo ka soo gaadhaan Orodkii, hase yeeshee wax rasaas ahi aanay ku dhicin, Magaaladda waxa ku sugan Ciidamo Gurmad ah oo la geeyay markii ay Dilalku ka dhaceen, hase yeeshee Xukuumadda Somaliland ilaa hada labada dhinac midkoodna kumay qancin in ay gar-waaqsadaan dhibaatadii halkaas ka dhacday. Isla markaana soo dhaweeyaan xalka dhiiga dhexdooda yaala si ay Dadweynuhu uga baxaan Soo-mahaadka ay ku jiraan. Ciidanka Birmadka Bilayska oo koox ka tirsan la geeyay deegaanka Xariirad si ay uga hortagaan amaan darada ka timaada dilalkii hore Xariirad uga dhacay, kuwaas oo ilaa hada ku sugan deegaanka Xariirad, ayaa shacbiga deegaankaasi ku dhaqani waxay wadnaha farta kaga hayaan colaado beeleed oo ka qarxa deegaankaasi, kuwaas oo rajo la´aan ka muujinaya hawlgalada xukuumada ee shaqaaqooyinkii Xariirad iyo kuwii ka aloosmay nariijadii doorashadii deegaanada ee ka soo baxday degmooyinka Saylac iyo lughaya oo iyaduna aan ilaa hada xal soo afjarida aan laga gaadhin, taas oo sidoo kalena ay golaha guurtidu ka gaabiyeen xalinta shaqaaqooyinkaasi, iyadoo uu gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan maxamuud Aadan horaantii bishii May 2013ka uu sheegay inay guddi soo xalisa shaqaaqooyinkaasi ka taagan gobolka Selel ay u diri doonaan, hase yeeshee balanqaadkaasi gudoomiye Saleebaan ayaa la sheegay inay ka quusteen xilligan Beelaha ku dhaqan gobolka Selel, oo la sheegay inay dhaliilo uga soo jeedinayaan golaha guurtida sida ay uga gaabiyeen xalinta shaqaaqooyinka beeleed ee ka taagan deegaanada Xariirad, kuwaas oo keeni kara hadaan si dhakhso ah loo soo afjarin xiisadaha cakiran ee ka taagan gobolka Selel cawaaqib xun iyo xaalado amaan daro. Dhinaca kale dadaaladii ay xukuumadu ku doonaysay inay ku xaliso xiisadaha ka taagan deegaanada Xariirad oo muddo dhawr jeer ahba guddiyo wasiiro ah loo diray xalinta shaqaaqooyinka deegaankaasi, ayaanay iyagana wax natiijo ahi ka soo bixin, balse arrinkoodu ku dhamaaday socdaalo aan wax macno ah ka soo kordhinin xiisadahaasi beeleed ee ka taagan dcegaankaasi, taas oo xukuumada iyo golaha guurtida oo la filayay inay wada jir uga hawlgalaan xalinta xiisadaha beeleed ee deegaankaasi ay daawanayaan. Xigasho
Haatuf.
Related posts:Xildhibaan Ifraax Cali Kirix oo Sheegtay In Aanay Sanadkan Isu Soo sharaxayn Doorashada 14 September... War Deg Dega Ilaalada Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Waran Cade Oo Laba Garab U kala Jabay Iyo Dagaal ... Xildhibaan Maxamed Abiib Oo ka Hadlay Xadhigiisii, Danta Ay Xukuumadu Ka Lahayd Iyo Arimo kale Oo Xa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|