Dawladda Dalka Boqortooyadda Saudi Arabia Ayaa Sanadkan Dhimaysa Tirada Dadka Xujaajta Ah ee Muslimiinta Ah ee Sanadkan Soo Gudan Lahaa Waajibaadka Xajka Sababo La Xidhiidha Dhisme Cusub Co Laga Hirgelinayo Masjidka Barakaysan Ee Ku Yaalla Magaaladda Makkah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Dalka Boqortooyadda Saudi Arabia Ayaa Sanadkan Dhimaysa Tirada Dadka Xujaajta Ah ee Muslimiinta Ah ee Sanadkan Soo Gudan Lahaa Waajibaadka Xajka Sababo La Xidhiidha Dhisme Cusub Co Laga Hirgelinayo Masjidka Barakaysan Ee Ku Yaalla Magaaladda Makkah
August 28, 2013 - Written by Wariye:

Kampala-(Wajaale News)-Dawladda dalka Boqortooyadda Saudi Arabia, ayaa sanadkan dhimaysa tirada dadka xujaajta ah ee muslimiinta ah ee sanadkan soo gudan lahaa waajibaadka Xajka, sababo la xidhiidha dhisme cusub oo laga hirgelinayo Masjidka barakaysan ee ku yaalla magaaladda Makkah , dhismahaas oo socon doona muddo Seddex sano ah.

Dawladda Saudi Arabia, waxa ay sheeegtay in qiyaas ahaan 20% la dhimi doono tirade xujaajta ee sanadkan dalka Saudi Arabia u tagaya gudashada waajibaadka Xajka, waxaanu go aankani saamayn ku yeelan doonaa Malaayiin Muslimiin
xaramka

ah oo sanadkan waajibaadka xajka soo gudan lahaa kuwaas oo ka kala iman lahaa dalalka Islaamka ee ku yaalla dunida oo dhan.

Sidoo kale, markii uu go aankan cusubi ka soo bay dawladda dalka Boqortooyadda Saudi Arabia, ayaa lagu wargeliyay dhamaan dalalka ay ka kala iman lahaayeen muslimiinta soo xajaysa sanadkan inay dhimaan tiradii xujaajta muslimiinta ah ee hore loo qorsheeyay inay sanadkan soo xajaan, waxaanu sanadkan lagu wadaa in sanadkan ay ka baaqdaan gudashada Xajka dad badan oo Muslimiin ah oo ay u qoondaysnayd gudashada waajibaadka Xajku oo ay ku jiraan dad badan oo Muslimiin ah oo Soomaali ah oo kala iman lahaa dalalka caaalamka iyo dalka gudihiisaba.

Wajaale News

Office: Hargeisa/Somaliland

Email: wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS