Dallada Sonyo Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saartay Saamaynta Ay Yeelan Karto Joojinta Xisaabaadka Xawaaladaha. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dallada Sonyo Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saartay Saamaynta Ay Yeelan Karto Joojinta Xisaabaadka Xawaaladaha.
August 29, 2013 - Written by Wariye:

Hargeisa(Wajaale News.com)-Dallada Dhanliyarada Somaliland ee sonyo ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxa ay kaga hadashay walaaca ay ka qabto joojinta xisaabaadka xawaaladaha.

Dallada DhanliyaradaSomaliland ee sonyo ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxa ay kaga hadashaywalaaca ay ka qabto joojinta xisaabaadka xawaaladaha iyo saamaynta uu ku yeelankaro dhaqaalaha bulshada Somaliland waxaana warsaxaafadeedkaasi u dhignaasidan:-

Ref. No:SONYO/034/NC6/13

Taariikh: August 28th,2013

WAR – SAXAAFADEED:

Ku: SaxaafadaMadax-bannaan iyo ta Dawliga ahba.

Og: Golaha Sare eeDallada Dhallinyaradda Heer Qaran ee SONYO.

Ujeedo: DalladaDhalinyarada Qaranka ee SONYO Waxay

warwar balaadhan kaqabtaa saamaynta taban iyo culayska

dhaqan dhaqaale eejoojinta xisaabaadka Xawaalahada!

(SONYO Media) – DalladaDhallinyaradda Heer Qaran ee SONYO waxay ka warwarsan

tahay saameynta tabaniyo culayska dhaqan dhaqaale ee ay keeni karto joojinta

xisaabaadkaxawaaladaha Somaalida ee bangiyada caalamiga ah sida Bangiga Ingiriiska

ah Barcalays.

XisaabaadkaXawaaladaha Soomaalida ee Bangiga Barcalays waxay keeni kartaa in ay

hoos u dhacaantaageerada dhaqaale ee dadka Qurbo-joogta ahi u fidiyaan eheladooda

reer Somaliland.Hoos-u-dhaca lacagaha qurbo-joogu soo xawilaan waxay sababaysaa in

uu hagaaso oo tamardarreeyo guud ahaan dhaqaalaha dalku, gaar ahaana dakhliga qoysas

tiro badan oo ku nooldalka Somaliland gudihiisa, iyadoo arrintaasina abuuraysa

masiibooyin dhaqaaleoo khatar galiya nolosha dadyaw badan oo si joogto ah ugu tiirsan

eheladooda iyoxubnaha qoysaskooda ee ku sugan dalka dibadiisa.

Dallada DhalinyaradaSONYO iyadoo ka duuleysa muhiimada ay xawaaladuhu u

leeyihiin dhaqaalahadalkeena iyo tirada badan ee dhallinyaro ah ee ku mashquulsan

shaqooyinka aybixiyaan xawaaladuhu, ayaa ay ugu baaqeysaa maamulka iyo

maareeyeyaashaBangiga Barcalays inay ka fiirsadaan, dibna u eegaan go?aanka ay ku

qorsheynayaan inay kujoojiyaan xisaabaadka ay xawaaladaha Soomaalidu ku leeyihiin

bangigooda.

Ugu dambeyntii,Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO waxay ugu baaqeysaa

guud ahaan shacbigaSomaliland gaar ahaana qurbo-joogga reer Somaliland inay si wayn

isku abaabulaan si ayu muujiyaan sida ay uga xun yihiin go?aanka xisaabaadkooda

xawaaladaha lagujoojinayo isla markaana ay culays ku saaraan BARCLAYS inay go?aan

kaas u arkaan midkeeni kara dhibaatooyin bani-aadanimo oo hor leh.

Dallada SONYO waxay urajaynaysaa shacbiga Somaliland guul iyo barwaaqo,

waxaanaydhiiri-galinaysaa dedaalka iyo darbanaanta dadweynaha ee ku waajahan

horumarka dalka iyotaabo-galka qaran ee Somaliland.

Allaa Mahad Leh.

Mubarak Ismail Taani,

Gudoomiyaha DalladaDhalinyarada Heer Qaran ee SONYO,

Wajaale News
Office: Hargeisa/Somaliland
Email:wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS