Daawo Video:shirkada isgaadhsinta ee somtel oo xarun cusub ka furaty xaafada kosaar ee magalada burco. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo Video:shirkada isgaadhsinta ee somtel oo xarun cusub ka furaty xaafada kosaar ee magalada burco.
August 25, 2013 - Written by editor

Munasibad lagu furayey xaruntan cusub ee somtel ay ku yeelan doonto xafada kosar oo ka mid ah kaamamka ka baxsan magalada ayay kasoo qaybgaleen maamulka shirkada somtel , xildhibaano ka mida golaha deegaanka burco, gudoomiyaha xafada kosaar iyo…

 

Daawo Video:shirkada isgaadhsinta ee somtel oo xarun cusub ka furaty  xaafada kosaar ee magalada burco.

Munasibad lagu furayey xaruntan cusub ee somtel ay ku yeelan doonto  xafada kosar oo ka mid ah kaamamka ka baxsan magalada ayay kasoo qaybgaleen maamulka shirkada somtel , xildhibaano ka mida golaha deegaanka burco, gudoomiyaha xafada kosaar ,taliye ku xigeenka  saldhigga xafada kosaar, odayasha , dhlinyarada iyo haweenka xafadasi,

uguhorayn waxa halkas ka hadlay  mamule  ku xigeenka shirkada somtel magalada burco Siciid kariye Jibriil  iyo madaxa suuqgaynta shirkadasi,  cali ismacil cismaan oo ka sheekayay  ujadada  ay uqabteen  xafladan iyo sababt keentay inay xafada kosaar ku soo biriyaan deegyda  isgadhsiineed ee ay  uhayaan  bulshada,  waxa kale oo xusay inay wax kasta oo ay shirkada adeegydeeda uga baahan yihiin ka heli karan xaruntan cusub  ayna u fududayeen wixii ay u soo  isocon jireen illaa xarunta burco iyagoo ugu baqay bulshada reer koosar inay ka faaidaystan  adeegyada shirkadda ,

Waxa iyana halkaasi ka hadlay gudoomiyah xafada kosar mr. maxmed axmed sheeri, oday badel  bixi, maxmed cismaan , sahra kabandoos oo ah guddoomiyaha garabka haweenka xafada kosaar iyo taliye ku xigeenka saldhigga xafadda kosaar cali cadaani , dhammaantood waxay  si wada jira usoo dhweeyeen xarunta cusub ee shirkada somtel ka furatay  xafada kosaar , waxay shegeen in xaruntani cusub noqonayso  mid  fududaysa adegyad somtel oo aan dhib waryn ku qabnay  ayay yidhahdeen.

Waxa iyana halkasi ka hadlay  xildhibaan axmed afyare iyo xildhiban cabdi laki xasan nur kuwaasoo  si wada jir ah ugu hanbalyeyay   markasat dedaalka ay ugu jirto shirkaddu  bulshada siday ug haqabtiri lahayd  adeega  isgdhsineed ay shirkadani u  soo dhoweysay waxayna  xafadda kosaar ugu baaqeen inay ka faaidaystaan adeegani.

COMMENTS
LINKS