Daawo: Qaraxyo Lagu Hoobtay Oo Saaladii Jimce Lala Beegsaday Masaajid Ku Yaala Waqooyiga Beirut | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Qaraxyo Lagu Hoobtay Oo Saaladii Jimce Lala Beegsaday Masaajid Ku Yaala Waqooyiga Beirut
August 24, 2013 - Written by editor

Qaraxyadan lala beegsaday masaajidada magaalada Tripoli-da bari loo yaqaano ee dalka Lubnaan ayaa sida muuqata lala beegsaday xaafada Dadka Suniyiintu degaan,

 

Beirut, (WJN/Agencies):- Ku Dhawaad 50-Qof ayaa ku geeriyooday in ka badan 500 oo kalana dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaadhay, ka dib markii Weerar Qarax loo Adeegsaday lagu Qaaday Masaajid Ku Yaala Magaalada Tripoli ee dalka Lubnaan.

Telefishanka LBC ee dalka Lubnaan ayaa baahiyay muuqaalka Kamaradaha ilaalada ee CCTV-gu qabatay kaas oo muujinaya sidii qaraxu uga dhacay gudaha masaajidka.

Qaraxyadan lala beegsaday masaajidada magaalada Tripoli-da bari loo yaqaano ee dalka Lubnaan ayaa sida muuqata lala beegsaday
xaafada Dadka Suniyiintu degaan, waxaana loo adeegsaday laba gaadhi oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kuwaas oo lagu weeraray salaadii jimce ee maanta.

 

 

WAJAALENEWS DESK

 

CONTACT US : Wajalenews2gmail.com

COMMENTS
LINKS