Daawo: Askar Israeliyiin Ah Oo Iyagoo Hubkii Iyo Dirayskoodi Sita Ka Dhex Ciyaaraya Aroos Falastiiniyiin Ah Oo Jiibta Iyo Jaantu Isku Dhacday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Askar Israeliyiin Ah Oo Iyagoo Hubkii Iyo Dirayskoodi Sita Ka Dhex Ciyaaraya Aroos Falastiiniyiin Ah Oo Jiibta Iyo Jaantu Isku Dhacday
August 31, 2013 - Written by editor

Khaliil, (HWN/Agencies):- Xaalada kala qaybsanaan dhinaca rayiga ah ayaa ka dhalatay muuqaalka fidiyow uu telefishanka sadexaad ee dalka Israel baahiyay, kaas oo muujinaya xubno ka tirsan Askarta milatariga Israel oo ka

 

Khaliil, (WJN/Agencies):- Xaalada kala qaybsanaan dhinaca rayiga ah ayaa ka dhalatay muuqaalka fidiyow uu telefishanka sadexaad ee dalka Israel baahiyay, kaas oo muujinaya xubno ka tirsan Askarta milatariga Israel oo ka dhex ciyaaraya, aroos habeen qoys ama lamaane Reer Falastiin ahi ku qabsadeen magaalada Khaliil ee daanbta Galbeed. 

Muuqaalkan ayaa laga arki karayaa ugu yaraan mid ka mid ah askarta Israel oo ku labisan dirayska cidiamada milatariga dalkaas, isla markaana ku gaadhan bunduqiisha oo ciyaar qoob ka ciyaar ah ay jiibta iyo jaantu isugu dhacday dhalinyaro Falastiiniyiin ah, kuwaas oo iyaguna ku labisan Jiinisyo

iyo garamaan. 

Milatariga dalka Israel ayaa markii muuqaaladan la baahiyay balan ku qaaday, talaabo adag iyo ciqaab marin ay mudan doonaan askartaas oo sida ay ku doodayaan ku xad gudbay xurmadii ciidamada isla markaana hub la galay goobo farxadeed oo aan laga ogolayn

 

 

WAJAALE NEWS DESK

 

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS