MADAX DHAQAMEEDKA G.GABILEY OO XUKUUMADA KU EEDEEYAY WAXQABAD LA,AANTA COLAADA CEELBARDAALE XUKUUMADU HUURSATAY | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MADAX DHAQAMEEDKA G.GABILEY OO XUKUUMADA KU EEDEEYAY WAXQABAD LA,AANTA COLAADA CEELBARDAALE XUKUUMADU HUURSATAY
August 3, 2013 - Written by editor

Madax-dhaqmeed, Cuqaal, iyo Waxgarad ka soo jeeda Dadka dagaanka Waqooyiga iyo Galbeedka Gobolka Gabiley ayaa

 

 

 

Gabiley(WJN)-Madax-dhaqmeed, Cuqaal, iyo Waxgarad ka soo jeeda Dadka daga Waqooyigaiyo Galbeedka Magaalada gabiley ayaa manta baaqyo kala duwan u kala
diray baaqyo Xukuumada iyo Garsoorka iyo waliba Beesha ay Ood-wadaagta
yihiin ee ka soo jeeda deeganka Dilla, kaasi oo ay kaga hadleen in
si-rasmi ah loo dhamaystiro muran-dhuleedkii ka dhexeeyeey dadka ka
soo kala jeeda deegaanada gabiley iyo dilla ee la xidhiidhay
Dhul-Beereedka Ceel-Bardaale ee Buuralayda Waqooyi-Galbeed ee
Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley.

Odayaasha oo arimahan kaga hadlay Shir-jaraaid oo ay maanta ku qabteen
Hotel Shifo ee Magaalada Gabiley ayaa sidoo kale xukuumada ugu baaqay
in Dadkii Masaakiinta ahaa ee ay sameeyeen shaqaqooyinki hore ugu
dhex-maray Labada dhinac  ee Deegaanka ceelbardaale.
Shirkan-jaraa?id ee ay Odayaasha dhaqanku ku qabteen Magaalada Gabiley
oo ay goob-joog ka ahaayeen Chief Caaqil Aw Yuusuf Magan Faarax,
Caaqil Qamaam Diiriye Nuur, Caaqil Gaydh Cige Geele, Caaqil Nuur Cilmi
Samatar, Caaqil Cali Cismaan Xuseen, Caaqil Maxamed Xasan Samatar ayaa
waxa ugu horreyn ka hadlay.

Caaqil Qamaam Diiriye Nuur oo sheegay in Xukuumadu dhawaan Warbaahinta
Dalka ka sheegatay in ay dhamaystirtay Shaqaaqadii ka taagnaan jirtay
Deegaanada Ceel-bardaale, waxaanu xusay in ay Xukuumadu ay ka been
sheegtay Arrintaasi oo aanay waxba ka qabanin, Arrintii Halkaa
taalayna ay Wali sidii u taagan tahay, Waxanu ugu baaqay in ay
Dhibaatooyinkaasi ka dhex dhacay Labada Beelood ee Oodwadaagta ahi ay
mar kasta ka dhursugayaan Xukuumada in ay ugu hagar-baxdo sidii ay
Arrimihii Bariga u dhamaystirtay. Isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa
uu yidhi:.

?Waxaan ka hadlayaa Laba Arrimood oo kala ah, Shaqaaqadii
Ceel-bardaale ee Labada Beelood ay iskaga hor yimaadeen iyo Arrintii
Wadada. Hadii aan ku horreeyo Shaqaaqada Ceel-bardaale Xukuumadu waxay
Dalka haysatay Muddo Sadex sano ah, waxaanay Wax-qabadyadeeda ku soo
dartay in ay dhamaysay, Caalamkana taasi ayay gaadhsiisay, Cidda wax
laga dhamaynayaana waa Anaga iyo Wallaalahayo weeyi Arrinkaa ay soo
bandhigeen ee ay Caalamka gaadhsiiyeen Manaanu arag, noomanay imanin,
manaanu sawirin, Malaha Qolo hoose ayay wax la dhameeyeen?. Waxaanu ku
daray Hadalkiisa Caaqilku oo uu yidhi: ?Bariga Dalka waxbaa ka dhacay,
Xukuumadu way ku baxday oo u hagar baxday, waanay ka dhamaystirtay,
laakiin Galbeedka Xukuumadu Dhabarka ayay u sii jeedisay, Codkana way
u soo doontaan Cashuuraadkana way u soo doontaan, Laakiin wax laga
qabtaa ma jirto. Waxaanan leeyahay Yaan Umada been loo sheegin, waxaan
jirina yaan la faafinin, Waxba lagama qabnin ee Wax kastaa halkii ayuu
yaalaa?.  Ayuu ku soo gunaanaday Hadalkiisa Caaqil Qamaam Diiriye
Xajiin.

Caaqil Gaydh Cige Geele oo Isaguna isla Shirkaa Jaraa?id ka hadlay
ayaa Isaguna ku dheeraaday Dhacdadii Wadada ka qabsoontay mudo Afar
Sano horteed ah oo Afar Qof lagu dilay
?Maanta Waxaanu halkan kaga hadlaynaa Arrinkii baryahanba Dawlada
Kulmiye ay Miidhiyaha iyo Warbaahinta Dalka ka sii dayn jirtay oo ay
odhan jirtay Muddo Sadex sano ahba ay Wax-qabadyadeeda ku soo daraysay
oo ay odhanayeen Waanu dhamaynay Qaddiyadii halkaa Ceel-bardaale ka
dhaxaysay Labada Beelood ee Wallaalaha ahaa ee isku hayay Beeralaha
Ceel-Bardaale oo Gacmaha ayaanu isku saarnay Caalamka waxaanu u
sheegaynaa oo Somaliland u sheegaynaa oo Dadka Miidhiyaha Dhagaysta
ama Jaraa?idada Akhrista u sheegaynaa In aan Wax la dhameeyey jirin,
oo Dadkii halkaa daganaana ay ku daayac yihiin oo ay ku kala qaxeen
Meel ay ku nool yihiina aan la aqoon. Mas?uuliyada Arrintaasina
Dawlada ayay saran tahay. Oo Hadii Umadu is jiidho oo Beeluhu is
laayaan Dawlada joogta ayaa hawshaa iska leh dhamaynteeda, sida ay
Beelaha kaleba uga dhamayso. Waxba kamay qabanin?. Ayuu yidhi Caaqil
Gaydh Cige Geele.

Waxaanu ku daray Hadalkiisa Caaqilku: ?Waar Sheekada ma
Iyagaa(Xukuumada) ku jira, Maskaxdayadu aad ayay u shaqaysay Dawladu
ma Iyaga ku jirta, Kolkaa waxaan Anigu Is idhi Danbiganba Kulmiyaa
galay malaha oo Danbi uu badh leeyahay, Nin Dawee la leeyahay,
Daaraanta Miridhka leh, Inuu Daaro Ma ogola, waar Waxa ay wax uga
qaban laadahayba Malaha Danbigaba Iyagaa(Xukuumada) ku jira?. Ayuu
yidhi Caaqilku. Isaga oo sii wata Hadalkiisa waxa uu yidhi: ?Umadii
Meesha daganayd Habeena Nin ma seexdo, Nin kastaa Gaadh ayuu iska
hayaa, Intaasoo sanadoodba Maanu hadlin oo waanu eegaynay, Imika quus
ayaanu kala taaganahay Annaga iyo Xukuumadii Kulmiye Waana ta naga
hadlisay imika?. Ayuu yidhi Caaqil Gaydh Cige Geele.

Waxa kale oo Isaguna Isla Shirkaa-Jaraa?id ka hadlay Caaqil Maxamed
Xasan Xaaji Samatar waxaana hadalladiisii ka mid ahaa: ?Shirkan
Jaraa?id sababta ugu way nee aanu Maanta u qabanay waxaa weeyi Dadkaa
Bulshada ah ee aanu Odayaashii Reerka u nahay ee aanu u nahay Duubkii
Reerka waxaa ku dhacay Bur-bur, Barakac, Baa?ba intuba way ku dhaceen,
Dhibaatadaana waxaa ku keenay waa la wada garanayaayoo. Hadaba, nin
ayaa laga hayay Barigii Dhargigii Dadka waa la tiring jiray oo waa la
tira koobi jiray Habeenkii oo Guryahaa la gali jiray, waxaana dhacday
in Nin Gurigiisii la soo galay oo ay Askartii baadhaysay Gurigiisu
ayuu Askari ka mid ahi Ilme uu dhalay Ninka Guriga lihi uu ku istaagay
markaasuu Ilmihii Jaqaaq yidhi, inta Ninkii Ilmaha dhalay uu soo
booday ayuu odhan kari waayey waar Ilmaha ka kac markaasuu odaygii ku
hadaaqay inta uu Wiilkii yaraa la hadlay ayuu yidhi Aabo Aamus Waa
Dawladeenii oo mar uunbuu kaa kiciye. Dadka waxaanu ugu sheekaynaynay
Madaxwayne Waa Dawladeenii oo mar uunbay Inaga kiciye aamusa, Laakiin
Maanta waanu Aamusi kari waynay. Bulshadana waxaan leeyahay waxaad noo
garan la?aydeen Annaga oo og in la leeyahay Waar waxan illayn loo
aamusnaa maxaa lanoogu sheegi waayey Arrinkan dhamaaday, waakan
Madaxwaynuhu Munaasibad kasta oo uu qabto ka sheegaya in uu arrinkan
dhameeyey oo maxaa lanoogu sheegi laaya?ay oo maxay la aamusan yihiin,
illayn waaba waxba la?aan, Anaguna waxaanu is lahayn Mar uunbay idinka
kiciye aamusnaada. Hadaba, waxaan u sheegayaa Qolooyinka Jaaliyadaha
dibada, Qolooyinka Dalka gudihiisa, Qollada labada Gole Qaran intuba
in ay u baahan yihiin arrintani in ay ogaadaan oo ay arkaan oo ay
sideeda u taabtaan in aanay waxba dhamaanin?. Ayuu yidhi Caaqil
Maxamed Xasan Xaaji Samatar .

Waxaanu ku daray Hadalkiisa Caaqilku: ?Waxaa Nasiib darro ah marka
Madaxwaynuhu leeyahay ee Waxqabadkiisii koowaad mar kasta ka dhiganayo
Inuu dhamaystiray Shaqaaqooyinkii Bariga iyo Galbeedka waan dhameeyey
uu leeyahay, Malaha Xaajigu wuu kala garan laaya?ay eh Arrimahan
Bariga ayuu sheegayaa oo loo sheegay in ay soo dhamaadeen, waxaan
leeyahay haloo sheego in ay tahay Arrinta uu dhameeyey in ay tahay tii
Geed-dheer iyo Geed-gaabanba uu u fuulay ee Bariga ee Ma?aha kuwii
Galbeedka Xil aad iska saartayna ma jirto. Maantana Adeer waanu aamusi
kari waynay hadaanu is lahayn Dawladu way idinka kicina waad naga kici
waydeen, Ninba yidhi Aakhiroy kumaan jeclayn ee Geeri ayaa ikaa baday,
Nin halkaa tagi waayey Hal uu dhaafo ayuu waayey, Waxa Maanta iga
qaylisiiyey ee iga hadashiiyey markii aad Inamadii Qurbaha iyo
Caalamkiiba ku tidhi Arrimihii sidaasaan u dhameeyey oo
wax-qabadkaygii koowaad ayay ka mid ahayd, Ayay Bulshadiina kaceen
Hadaba waxa soo socda ayaa yaab leh. Waxa laakiin wax lala yaabo ah
Labada Gole Qaran ee Wax-qabadyada looga sheekaynayo ee Dalkana jooga
ayaan la yaabanahay, waa Nasiib darro marka ay sacabka tumayaan ee ay
ogyihiin, Been ayaa la isku sheegayaa Walina Runtii way maqan tahay,
Bal Golaha Sadexaad ee Wada-Tashigana waanu ka dhur-sugi doonaa?. Ayuu
yidhi Caaqil Maxamed Xasan Xaaji Samatar.

Caaqil Cali Cismaan Xuseen oo Isaguna Shirkaasi Jaraa?id ka hadlay
ayaa waxa Isagana Hadalladiisa ka mid ahaa: ?Maanta waxaan ka hadlayaa
Laba Arrimood midi waxa weeyi Arrintaasi Dhamaystirka, oo Xukuumada
Somaliland ay ku celcelisay dhawr-jeer inay wax-qabadkeeda ku darsatay
waanu dhamaynay Arrinkii Shaqaaqadii Ceel-bardaale ama Galbeedka, ma
Ogin halka ay ku dhamaatay, Waxa la yidhi Rag Gogoshii waa Nabad,
hadii ay dhamaysay Anigaa u baahan oo waa Gogoshaydii, Laakiin waxaan
ogahay in aan la dhamaystirin, hadii ay dhamaystirtay Xukuumadu,
Qaxootiga I dul yaala ayay meeshoodii ku celin lahayd, waxaan u
sheegayaa Labada Gole Qaran in ay arkaan Dhibta iyo Hagar-daamada
haysata Dadkaa ka soo qaxay Dhulkoodii. Xukuumadani Kulmiye waxay iigu
timid Shan iyo Toban Kiiloo mitir Aniga oo dagan, Maanta waan ka
faro-madhanahay, hadii ay dhamaysay ma celiso Qaxootiga, hadii ay
dhamaysay miyay tagto oo ay soo eegto Qaxootiga na dul saran oo ay
ogaato, hadaanu Madax dhaqameedkii Reerka nahay waxaanu ognahay hadii
aanay Cid kale la dhamayn oo aanay Madax-dhaqamedka Reerka ahayn ma
ogin, waxaanu leenahay Somaliland iyo Cidii Hogaanka u haysaba lama
dhamayn ee Dhamaystirkeeda ayaanu u baahanahay, Anagay Dan noo tahay,
kuwa aanu wallaalaha nahay ee aanu iska soo hor jeedno ayay Dan u
tahay, halkaa dib ha uga noqoto Dawladu oo ha ogaato in ay Arrintu
halkii taalo wali:. Ayuu yidhi Caaqil Cali Cismaan Cali Atam.

Waxaanu ku daray Hadalkiisa: ?Ta Labaad waxa weeyi Arrinkii wadada
Reer Xareed meel ay ku tashadeen, oo ay ku galeen lama hayo, lamana
sheegayo, waxaanan leeyahay Dadkaa ku eedaysan ee Xukuumadu u xidhatay
in Maxakamad Madaniya la soo taago oo laga daayo Maxkamadda Milatari
ee la saarayo halaga daayo oo Maxkamad Madaniya hala soo joojo hana
lagu cadeeyo, Cidii uu danbigaasi galena Tallaabo halaga qaado,
Laakiin inay Jeelasha ku daystaan maaha?. Ayuu ku soo gunaanaday
Hadalkiisa Caaqil Cali Cismaan Xuseen Cali Atam.

Waxa Iyaguna Isla Shirkaa-Jaraa?id ka hadlay Caaqil Nuur Cilmi
Samatar, iyo Jiif Caaqil Aw Yuusuf Magan Faarax oo dhamaantood
Xukuumada usoo jeediyey inay ka dhabayso waxa ay Warbaahinta ka
sheegayaan.

 

WAJAALE NEWS DESK

GABILEY OFFICE

Email:  wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS