Ciidamo Dheeraad ah Oo Soo Gaadhey Madexweyne Kuxigeenka Puntland iyo Buuhoodle Oo Lafilayo inuu Bari Soo Gaadho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamo Dheeraad ah Oo Soo Gaadhey Madexweyne Kuxigeenka Puntland iyo Buuhoodle Oo Lafilayo inuu Bari Soo Gaadho
August 29, 2013 - Written by Wariye:

Taleex(Wajaale News)-Madexweyne Kuxigeenka Puntland Cabdisamed Cali Shire oo kusugnaa Taleex maaliintii Sadexaad ayaa, la Sheegay in ay maanta Soo gaadheen Ciidamo oo katirsan Maamul Goboleedka Puntlnad iyadoo la filayo inuu Maalinta berito ah u gudbo Deegaanka uu kasoo jeedo ee Buuhoodle.

Waxaana la sheegay in ay Ciidamadaasi ku sugan yihiin Degmada Taleex isagoo Madexweryne Kuxigeenka Puntland Cabdi-Samed Cali Shire la Sheegay in uu diyaar u yahey Dagaal ay

isu waajahaan Ciidamada Qaranka Somaliland, gaar ahaan Gobolka Sool Deegaanada ay ka Joogaan Ciidamada Qaranka Somaliland inkastoo aanay Ciidamada Qaranka Somaliland ku sugneyn Buuhoodle.

Waxaana ka muuqda deegaankaasi nawaaxiga Taleex ilaa Degmada Buuhoodle sansaan colaadeed kadib markii ay iskaashadeen Maleeshiyada khaatumo iyo Maamul Goboleedka puntland oo dhawaan heshiiyay, inkastoo Ciidamada Qaranka Somaliland diayyar uyihiin Cadow kasta oo soo weerara hadana la filayaa, inaaney arimahan ka cusboonaadey dhinaca buuhoodle waxba ka qaban karin Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Xaglo Toosiye iyadoo, Wasiiru Dowlihii nabadeynta Gobolada Bari, Keyse Cabdi Yuusuf oo nabada qaatey Deeganadaasi uu uga tagey Somaliland Wasiirka Madaxtooyada Somaliland haatana uu ku Sugan yahey Degmada Widhwidh, Waxaana la ogaan Doonaa sansaanta Wakhtigan ka taagan Goboladaasi waxa ay ka Qabtaan Cali Sandule iyo Xaglo Toosiye.

Sikastba ha ahaatee waxa aan daah saarneyn habyraatee Socdaalka Madexweyne Kuxigeenka Cabdi-Samed Cali Shire ee Degmada Taleex in uu yahey mid hogaaminaya Dhaqdhaqaaq Dagaal iyo Xaalad Cusub taas, oo Xukuumadani daawaneysey ilaa maalintii lagu Dhawaaqayay Maamulka Kahaatumo State, inkastoo aan wax talaabo ah laga qadin safarka Madexweyne kuxigeenka puntland hadana uu Markhaati ka noq    dey Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland oo sheegay inuu kusoo xadgudbey Somaliland oo ay talaabo ka qaadi doonaan.

Wajaale News
Office: Hargeisa/Somaliland
Email;wajalenews@gnail.com

COMMENTS
LINKS