Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa si weyn looga dareemayaa soo dhaweynta Maalinta Ciidul-fidrada . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa si weyn looga dareemayaa soo dhaweynta Maalinta Ciidul-fidrada .
August 6, 2013 - Written by Wariye:

Hargaisa(Wajaale News)-Iyadoo ay dhamaad ku dhawdahay bisha barakaysan ee Ramadaan, ayaa waxa ay dhamaam bulshada Muslimka ahi meel kasta oo ay joogaan waxa ay u diyaargaroobayaan sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen ciida.

Magaalada Hargeysa ayaa ka mid ah meelaha sida weyn looga dareemayo u diyaargarawga maalinta Ciida, mar ay Caawa weriyayaasha shabakada Caalam News ay booqdeen Caawa suuqa dhexe ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ay ku soo waramayaan inuu suuqu si weyn u camiran yahay isla markaana ay dadweynuhu ku mashquul san yihiin sidii ay u iibsan lahaayeen dharka Ciida.

cqaadir hh

Dadweynaha ka adeeganaya suuqa dhexe ee Waaheen oo u badan dhalinyaro iyo caruur ay waalidiintoodu wadaan iyo waliba dad waaweyn ayaa wajiyadooda ay ka muuqataa Farxadu iyagoo Illahay ka baryaya inuu Caafimaad qab ku gaadhsiiyo maalinta Ciida.

Guud ahaan meheradaha dharka iyo Kabaha lagu iibiyo ayaa si weyn u mashquulsan, inkasta oo si weyn loo dareemayo sixir bararka baahsan iyo meecashada qaaliga ah oo ay adag tahay inay bulshada danyarta ahi iibsato, haddana guud ahaan jawiga magaalada Hargeysa ayaa ah mid aah u sareeya isla markaana aad u mashquulsan.

Copy of GUDOOMIYE hhh

Haddaanu nahay bacda shabakada wararka ee Caalam News, waxaanu guud ahaan Salaan iyo Boogaadin u diraynaa guud ahaan bulshada Muslimka ah, gaar ahaan shacbiweynaha Somaliland meel kastoo ay joogaan waxaan leenahay Hambalyo Hambalyo CIID WANAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAGSAN.

 

HALKAN KA DHAGAYSO BARNAAMIJ AAN IDIIINKA SOO DIYAARINAY MAGALADA HARGAISA (halkan riix)WAJAALE NEWS

 

 

Wajaale News Office Hargaisa

Wariye CabdiQadir cabdi Raxmaan Habane

COMMENTS
LINKS