Burco:Wasiir dawlaha wasarada waxbarashada Somaliland, ayaa manta xadhiga ka jaray Dugsi cusub oo boodhin ah oo laga dhisay deegaanka Qoriyaale , | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Burco:Wasiir dawlaha wasarada waxbarashada Somaliland, ayaa manta xadhiga ka jaray Dugsi cusub oo boodhin ah oo laga dhisay deegaanka Qoriyaale ,
August 21, 2013 - Written by editor

munasibad xadhiga laga jarayey Dugsigan cusb ee Boodhinka ah ayay ka soo qaybgaleen wasiirka Madaxtooyada,Wasiir dawlaha waxbarashada , iyo wasiirka Xanaanada Xolaha somaliland

Burco:Wasiiru dawlaha wasarada waxbarashada  Somaliland, ayaa manta xadhiga ka jaray  Dugsi cusub oo boodhin ah oo laga dhisay deegaanka Qoriyaale.

munasibad xadhiga laga jarayey Dugsigan cusb ee Boodhinka ah ayay ka soo  qaybgaleen wasiirka Madaxtooyada,Wasiir dawlaha waxbarashada , iyo wasiirka Xanaanada Xolaha somaliland ,mamulka gobalka togdheer ,mamulka dagmada burco iyo mamulka degmada qoriyale, salaadiin , cuqaal , ganacsato , iyo guddigii dhismaha dugsigani.

Ugu horayn waxa  munasibadda ka hadlay gudoomiyaha dagmada qoriyaale bile

jamac muse waxanu  sheekay marxaladii kale gadisnaa ee uu soo maray boodhinkani , waxa kale oo uu sheegay  baahiyo badan ay tabanayaan  ka dagmo ahaan isagoo dhinaca kalena u mahad celiyay  dhammaanba dadkii gacanta ka gaystay dhismaha boodhinkan cusub.

Waxa isna halkaasi ka hadlay  gudoomiyaha gudida dhistay  boodhinka sh.cali mawliid waxanu ku dheeraday  waxyaabihi u qabsoomay ka gudi  ahaan, muddadii dhismaha dugsigani socday, waxa kale oo uu xusay inaan marnaba la halmaami doonin cidkasta oo  gacan ka gaysatay  kuwasoo  isugu jiray ganacsato , qurbo joog ee udhashay deegankan iyo weliba xukumada Somaliland, isago dhinaca kale ka codsaday   xukumada in fasalo  kale lagu kordhiyo dugsiga.

Waxa iyana halkaasi  ka hadlay Suldan Maxamud  Guuled , Oday abokor cumar adan dibi ,cabdilahi aadan dheere, caaqil baashe oo ka mida odayaasha  gobalka togdheer  iyo waxgarad kale, waxayna ku dheeradeen  ahmiyada u uleeyahay boodhinkani dagmada iyo dalkaba.

Masuul ka socday Hay?adda Care International, iyo  Maamulaha Xawalada Dahabshiil Burco Maxamed Yuusuf ayaa iyaguna halkaas ka sheegay inay gacan ka geysteen dhismaha iyo qalabaynta dugsigani, iyado hay?adda care si gaar ah uballanqaaday inay sii wadayso hawlaha dhismaha dugsigani boodhinka ah isla markasna fasalo cusub ku kordhin doonto sidoo kalena ay u soo jiidi doonan beeb biyood un smaayn doonan tangi.

Maayarka Burco Maxmed Murad ,Badhsabkuxigenka Togdheer Mr Ubaxle , iyo guddomiyaha waxbarashada Gobolka Togdheer Cabdi Axmed siciid ayaa iyaguna sheegay in dugsigani ka mid yahay waxqabadka iyo horumarka dalka ka waddo xukumadda uu hogamiyo madaxweyne siilaanyo, waxayna sheegen in dugsiyada boodhinka dalka ku yaraayeen isla markaas intii xukuumaddani joogtay dugsiyo badan oo boodhin ah la dhisay, sido kale waxay tilmaamen ardayda dugsiyada caadiga ah iyo kan boodhinka ahi inaanay isku tayyo ahayn ee markasta aqoontiisu sarayso qofka Boodhinka wax ku barta.

Wasiirudawlah waxbarashada Somaliland Ahmed Nur Fahiye, wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X,xasan, iyo wasiirka xanaanada xoolaha somaliland Dr. Cabdi aw daahir waxa ay si wada jir ah u ballanqaadeen in xukuumad ahaan aanay waxba ka hagrandonin  isla markaasna ay garab istagi donaan dugsigani ,wax kale oo ay ku dhiiri galayeen maamulk iyo dadka gacanta ku haya boodhinkan inay halkasi kasi wadaan dadalkooda oo anay  haalka kaga hadhin .

Wasiirka Madaxtooyada somaliland xirsi cali x. xasan ayaa isagu ah wasiir si aad ah ugu dhego nugul  adegyada waxbarashada ee laga hir geliyo dalka, waxana uu bishi hore dhagax dhigay dayactir iyo classyo cusub oo lagu kordhinayey dugsiga qaadi maxamuud.

Gebogabadii waxa halkaasi shahadoyin lagu gudoonsiyay wasiirdawlaha waxbarashada,wasiirka madaxtooyada, gudoomiyaha qoryaale, shirkada dahabshiil iyo masuliyiin kale oo ka qaybqatay dhismah dugsigani.

WAJAALE NEWS DESK

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS