|
|||||
WAJAALE NEWS
Boqortooyada Sucuudiga Oo Soo Saartay Amar Caafimaad Oo Saamaynaya Xujeyda Reer Somaliland Ee Sannadkan Xajaysa
August 29, 2013 - Written by Wariye:Riyad (Wajaale News)-Dawladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa soo saartay amar khuseeya xujayda sannadkan ka xajaysa dalalka Somaliland, Somaliya iyo Kenya, kaas oo ku saabsan dhinaca caafimaadka. Wuxuu sarkaalkani Intaas raaciyay inay muhiim tahay inay talaalka dabaysha soo qaataan lix toddobaad ka hor marka ay u baxayaan gudashada waajibaadka Xajka, islamarkaana ay warqadooda caafimaad ku cadaataa inay lix toddobaad ka hor soo qaateen talaalkaas xanuunka dabaysha, waxaanu sheegay inay go’aankaas qaateen ka dib markii ay ogaadeen in xujeyda ka imanaysa deegaanadan lagu arkay xanuunka dabaysha.
Wajaale News Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|