Boqor Maxamuud Geele Oo Sheegay in Xukuumada Ay Fadeexad Ku Tahay Loolanka Ka Dhex Taagan Wasiirada Ka Soo Jeeda G/Gabilay, Cadeeyayna In Shirka Agabar Aanu Ahayn Shir Siyaasadeed. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Boqor Maxamuud Geele Oo Sheegay in Xukuumada Ay Fadeexad Ku Tahay Loolanka Ka Dhex Taagan Wasiirada Ka Soo Jeeda G/Gabilay, Cadeeyayna In Shirka Agabar Aanu Ahayn Shir Siyaasadeed.
August 16, 2013 - Written by editor

Boqor Muxumed Geele mar lawaydiiyay waxyaalah kajira in salaadiin tooda Beesha Sacad Muuse ay kukal qaybsan yihiin ajandayaasha shirka loo qabanayo iyo in laba gudi qaban qaabo is garab socdaan waxa uu ku jawaabay ? Arintaasi wax kajiraa majiraan salaadiinta beesha Sacad Muuse way wada socdaan shirkana waalaga midaysanyahay qabashadiisa ?.

Hargaysa(WJN) Muxumed Geele  Seed  oo Ka mid ah madax dhaqameedyada Somaliland ee kasoo jeeda gobolka gabilay ayaa sheegay in wasiirada xukuumada ugu jiraa gobolka gabilay ee kala qaybsani  ay xukuumada  madaxwayne  Siilaanyo ku tahay fadeexad, tilmaamayna in dhacdadii isniintii  todobaadkan  wasiirka ganacsigu Maxamed Cabdilaahi Cumar lagag qufushay hoolka shirarka xarunta  dawlada hoose ee gabilay ay ahayd arin foolxun oo fadeexad ku ah wada shaqaynta iyo  wada jirka masuuliyada dawlada .

Boqr Muxumed Geele Waxa uu Intaas Kudaray in shirka beesha Sacad Muuse  ay ku qabsanayaan todo baadkan soosocda horaantiisa Degmada Agabar  ee Gobolka Gabilay aanu ahayn shir siyaasadeed balse uu yahay shir dhaqan.

Boqor Muxumed Geele  oo shalay isaga iyo salaadinn kale ay socdaal kaga soo laabteen degmada shirka ka dhacayo oo khadka tilifoonka ugu waramayay wargayska Haatuf isagoo ku sugan degmada Gabilay ayaa isagoo arimahaas kahadlaya waxa uu yidhi ? madashii shirku ka qabsoomayay waa nalagu wareejiyay ,shirka beesha Sacad Muusana wakhtigiisuu Qabsoomayaa  waxaana uu socon doonaa mudo toban cisho ah (10) shr siyaasadeedna maah ee waa shir dhaqan  xukuumadana waxaan usheegaynaa in uu shirkaasi yahay  mid ay beesha sacad Muuse  danaheeda gaar ahaaneed  beelaha iyo shacbiga Somaliland waxaan u sheegaynaa in nabad gelyada ilaalinteeda iyo qaranimada Somaliland meel keliya looga soowada jeesto. ?

Boqor Muxumed Geele mar lawaydiiyay waxyaalah kajira in salaadiin tooda Beesha Sacad Muuse ay kukal qaybsan yihiin ajandayaasha shirka loo qabanayo  iyo in laba gudi qaban qaabo is garab socdaan  waxa uu ku jawaabay ? Arintaasi wax kajiraa majiraan salaadiinta beesha Sacad Muuse way wada socdaan  shirkana waalaga midaysanyahay  qabashadiisa ?.

Boqorka Mar wax laga waydiiyay sida uu u arko  kala qaybsanaanta la sheegay in ay ku kala dhex jirto wasiirada xukuumada ee deegaanka Gabilay ka soo jeeda iyo dhacdadii maamulka Golaha deegaanka Gabilay todobaadkan ay kaga qufusheen wasiirka ganacsiga Dr Maxame Cabdilaahi Cumar Hoolka Shirarka  ee dawlada Hoose  shirkii uu ku qaban lahaa oo la sheegay in arintaasi ay soo shacbixisay xurgufta  ka dhex  oogan wasiirada kasoo jeeda gobolka Gabilay  waxa uu yidhi  ? Arintaasi  waa mid  u taala dawlada ,  waa arin fadeexad  ku ah  dawlada maxaa yeelay  dawladi waa tii midaysan ee wada socota  ee aan kala  qaybsanayn wasiirkuna waa wasiirkaygii  maamulkuna waa maamulkaygii balse waa arin ataala xukuumada.

Contact Us : Wajalenews@gmail.com

Xigasho Haatuf news paper

COMMENTS
LINKS