|
|||||
WAJAALE NEWS
Boqor Maxamuud Geele Oo Sheegay in Xukuumada Ay Fadeexad Ku Tahay Loolanka Ka Dhex Taagan Wasiirada Ka Soo Jeeda G/Gabilay, Cadeeyayna In Shirka Agabar Aanu Ahayn Shir Siyaasadeed.
August 16, 2013 - Written by editorBoqor Muxumed Geele mar lawaydiiyay waxyaalah kajira in salaadiin tooda Beesha Sacad Muuse ay kukal qaybsan yihiin ajandayaasha shirka loo qabanayo iyo in laba gudi qaban qaabo is garab socdaan waxa uu ku jawaabay ? Arintaasi wax kajiraa majiraan salaadiinta beesha Sacad Muuse way wada socdaan shirkana waalaga midaysanyahay qabashadiisa ?.
Hargaysa(WJN) Muxumed Geele Seed oo Ka mid ah madax dhaqameedyada Somaliland ee kasoo jeeda gobolka gabilay ayaa sheegay in wasiirada xukuumada ugu jiraa gobolka gabilay ee kala qaybsani ay xukuumada madaxwayne Siilaanyo ku tahay fadeexad, tilmaamayna in dhacdadii isniintii todobaadkan wasiirka ganacsigu Maxamed Cabdilaahi Cumar lagag qufushay hoolka shirarka xarunta dawlada hoose ee gabilay ay ahayd arin foolxun oo fadeexad ku ah wada shaqaynta iyo wada jirka masuuliyada dawlada . Boqr Muxumed Geele Waxa uu Intaas Kudaray in shirka beesha Sacad Muuse ay ku qabsanayaan todo baadkan soosocda horaantiisa Degmada Agabar ee Gobolka Gabilay aanu ahayn shir siyaasadeed balse uu yahay shir dhaqan. Boqor Muxumed Geele oo shalay isaga iyo salaadinn kale ay socdaal kaga soo laabteen degmada shirka ka dhacayo oo khadka tilifoonka ugu waramayay wargayska Haatuf isagoo ku sugan degmada Gabilay ayaa isagoo arimahaas kahadlaya waxa uu yidhi ? madashii shirku ka qabsoomayay waa nalagu wareejiyay ,shirka beesha Sacad Muusana wakhtigiisuu Qabsoomayaa waxaana uu socon doonaa mudo toban cisho ah (10) shr siyaasadeedna maah ee waa shir dhaqan xukuumadana waxaan usheegaynaa in uu shirkaasi yahay mid ay beesha sacad Muuse danaheeda gaar ahaaneed beelaha iyo shacbiga Somaliland waxaan u sheegaynaa in nabad gelyada ilaalinteeda iyo qaranimada Somaliland meel keliya looga soowada jeesto. ? Boqor Muxumed Geele mar lawaydiiyay waxyaalah kajira in salaadiin tooda Beesha Sacad Muuse ay kukal qaybsan yihiin ajandayaasha shirka loo qabanayo iyo in laba gudi qaban qaabo is garab socdaan waxa uu ku jawaabay ? Arintaasi wax kajiraa majiraan salaadiinta beesha Sacad Muuse way wada socdaan shirkana waalaga midaysanyahay qabashadiisa ?. Boqorka Mar wax laga waydiiyay sida uu u arko kala qaybsanaanta la sheegay in ay ku kala dhex jirto wasiirada xukuumada ee deegaanka Gabilay ka soo jeeda iyo dhacdadii maamulka Golaha deegaanka Gabilay todobaadkan ay kaga qufusheen wasiirka ganacsiga Dr Maxame Cabdilaahi Cumar Hoolka Shirarka ee dawlada Hoose shirkii uu ku qaban lahaa oo la sheegay in arintaasi ay soo shacbixisay xurgufta ka dhex oogan wasiirada kasoo jeeda gobolka Gabilay waxa uu yidhi ? Arintaasi waa mid u taala dawlada , waa arin fadeexad ku ah dawlada maxaa yeelay dawladi waa tii midaysan ee wada socota ee aan kala qaybsanayn wasiirkuna waa wasiirkaygii maamulkuna waa maamulkaygii balse waa arin ataala xukuumada.
Contact Us : Wajalenews@gmail.com Xigasho Haatuf news paper Related posts:DAAWO;-Golaha Wakiilada Oo Shaaciyay In Xeer-nidaamiyaha Wasaarada Waxbarashadu Soo Saartay Khilaafs... “Labadan Diyaaradood Waxaa Laysku Raacsan Yahay In Ay Sharci Inoogu Yimaadaan, Sida Ka Aynu Ku Wada ... Qoysaska Banaanka Uhoyda Gudaha Magaalada Hargaysa Oo Fariin Damqasho Leh Udiray Xukuumada Madaxwayn... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|