Booliska Gobolka Saaxil o Habeenkii Xalay ahaa Baajiyay Xaflad ay Qabsan lahayd Shirkada Kaluumaysi e Maghaceedu yahay Pontus Marine, Xafladan ayaana waxa lagu marti qaaday Mujaahid Ibraahin Dhegawayne, Aqoonyahano iyo Saadiin Reer Saaxil ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Booliska Gobolka Saaxil o Habeenkii Xalay ahaa Baajiyay Xaflad ay Qabsan lahayd Shirkada Kaluumaysi e Maghaceedu yahay Pontus Marine, Xafladan ayaana waxa lagu marti qaaday Mujaahid Ibraahin Dhegawayne, Aqoonyahano iyo Saadiin Reer Saaxil ah
August 28, 2013 - Written by editor

 

Berbera(WJN) Habeenkii xaly ahaa ahaa ayaa Booliiska Gobolka Saaxil waxa ay ka hor istaageen Mujaahid Ibraahin Ghagawayne o ka qayb gali lahaa Kulan lagu marti qaaday o Shirkad kaluumaysi   omagceda la yidhaa Pontus Marine ay ku qaban lahayd Hotel Barwaqo e magaalada Berebera,

 

Shirkadan o dhawaanta uun ku dhawaaqday hawlaha ay doonayso in ay ka fuliso dhinaca kaluumaysiga e somaliland xafiisyana kasoo furatay Burco iyo Hargaysa ayaa kutalo

galkeedu nahaa in ay berberena  ay ku dhawaaqdo xafiiskeeda habeenkii xalay ahaa, Waxaanay ku marti qaadeen xafladaa  Mujaahid Ibraahin Dhegawayne ,aqoonyahano Gobolkan u Dhashay iyo Salaadiin Magac leh o Reer Saaxil ah kana mid ahaa  Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh iyo Suldaan Shariif, Laakiin  Booliiska gobolka saaxil ayaa xafladaa baajiyay o u sheegay shirkadii kaluumaysiga in ilaa amar danbe aan shir lagu qaban karin hotelkan, waxaana madaxdii shirkadaa o u isugu jiray somalilander iyo ajaaniba qasab ku noqotay in ay baajiyaan shirkoodii amarki booliskana qaataan,

 

Hadaba dareenka arintan ka dhashay ayaa loo dareemayaa in an shirkada la diidanayn e xukuumadu diidan tahay Mujaahid Ibraahin Dhegawayne  iyo  Xulafadiisa la socota in ay madashaa kaga hadlaan hadalo duraya xukuumada , Taas ayaana loo malaynaynayaa in ay sababtay joojinta xafladan daaha lagaga rogaya y soo bandhigida waxyaabaha u qorshaysan shirkadan kaluumaysi o ay ugu haraysay in ay lacag u helaan dhaqaajinta mashruucoodan o ay shacabka ugu baaqeen in ay Saami ku darsadaan shirkadan Pontus  o hadaladeedii u hreeyay ay ku jirtay cidkasta o saami ku darsata  waxa lacagteeda loo celin doonaa sanad gudihii , wixii intaa kadanbeeyana waxa u socondoona saamigiisii wixii u faa,ido ka helo, Arinkan ayaana shacab ka qaarkood u arkaa in u lamid yahay Mashruucii Jiifoo Jaqda ahaa e dad badan o reer somliland ahi ku caydhoobeen .

WAJAALEN NEWS DESK

BERBERA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS