|
|||||
WAJAALE NEWS
Badhaadhihii Bandhigga Buugaagta Hargeysa iyo Xiisihii uu ku soo dhamaaday!!!
August 24, 2013 - Written by editor
Badhaadhihii Bandhigga Buugaagta Hargeysa iyo Xiisihii uu ku soo dhamaaday!!!
Kooxdii ka socotay dalka Sweden ee qoraayaasha Somaliland oo uu horka caayey qoraa Maxamed Xirsi Guuleed oo lagu naaneyso;Cabdi Bashiir.
Sanad walba Hargeysa waxa ka furma,Bandhig la yidhaahdo:(Hargeisa International Book fair),ama Bandhigga Buugaagta Hargeysa ee Caalamiga ah.Hadaba, waxaan doonayaa bal in aan ka yar sheekeeyo sidii iyo wixii meeshaas ka dhacay 6 cisho oo uu socday iyo waliba sidii dadka ka soo qaybgalay ee dibadda iyo dalkaba iskaga yimid u xiiseynayeen.Bandhigga waxa la furay Jimcihii tagay,Sacadda Hargeysa markay mareysay;abaaro 10:00 subaxnimo.Waxa lagu bilaabay:Ayado-Qura’an ah,ka dib, Jaamac Muuse Jaamac oo ah;Gadhwadeenka sanad walba Bandhiggan ayaa ku soo dhaweeyey Abwaan Hadraawi si uu u furo oo uu xadhigga uga jaro Bandhigga. Bandhigga waxa ka soo qayb galay Sanadkan dad faro badan oo ka yimid dibaada. Oo ka kala yimid ilaa 20 dal oo kala duwan.waxaan ka sheegi karaa dadkaas ka soo qayb galay: * Koox ka socotay dalka ingiriiska,oo ay horkacaysay wariyadda caanka ah;(Marry Harper),Gabyaa, caan ka ah dalka ingriiska,Sawir qaadoyaal, * Koox reer ingriis ah,Laakiin Somalilanders ah,Sida: Sh.Dalmar,Wariye Ducaal, Abwaan Cali Seenyo…………..Qoraa Maxamed Daahir Afrax. * Koox mareykanka ka socotay oo uu ka mid ahaa;Macalin Siciid Salaax Sulub oo waxdhigistiisii ama intii uu macalin ahaa gaadhay (50 sano) oo bandhiggu u dabaaldaayey. * Koox ka socotay Dalka Kiiniya oo ahayd Qoraayaal. * Koox ka socotay dalkaasi Neyjeeriya oo ahayd Qoraayaal. * Koox ka socotay dalkaasi Jabuuti oo uu horkacaayey;Xaji Cabdalla. * Kooxdii ka socotay dalka Sweden ee qoraayaasha Somaliland oo uu horka caayey qoraa Maxamed Xirsi Guuleed oo lagu naaneyso;Cabdi Bashiir. Kooxahaasi waa kooxo ka mid ah,dadkii ka soo qaybgalay sanadkan bandhiga buugaagta ee Hargeysa oo sanadkan haystay naaneysta ama hal ku dhigga (The Journey) ama (Socdaal).dad aad u badan oo qoraayaal iyo abwaano iyo fannaaniin ah oo dalka Somaliland dagan ayaa iyaguna halkaas ka soo qaybgalay oo ku soo bandhigay buugtoodii iyo gabayadoodii iyo heesahoodii ba,Saacad walba waxa miiska ku qornaa ilaa dhowr qoraa oo buugtooda dadka uga sheekeynaayey wax ku qoran ama sababihii ay u qoreen.Dadka reer Somaliland iyo dadka ajaanib ah ee cadaan iyo madowga ba lihi, si isku mid ah ayey u dhageysanaayeen oo ay u xiisaynaayeen iyaga oo sacab iyo qosol waday.waxa ka dhacay bandhigan buugaagta ee hargeysa,maaha mid aan maqaalkan ku soo koobi karo laakiin waxa fiicnaan lahayd in aad joogto ama daawatid haddii aad fursad u heshid mustaqbalka…..wax yaabaha aan la ilaabi Karin waxa ka mid ah,Sida Ciidamahada Amaanka ee Somaliland u sugaayeen Nabadgaliya,iyada oo qofkasta; madax ama qoraa ama abwaan la baadhaayey oo qalabka walxaha qarxa ku qayliya lagu baadhaayey.waxa aan la iloobeyn sida uu Qoraaga hawl kar ka ah ee Jaamac Muuse Jaamac u daadihinaayey Bandhigga Jadwalkiisa Maalin laha iyo saacadlaha ba.!!! Wax yaabaha aan la ilaabi karin waxa ka mid ah,Sawir qaadayaal dalka ingriiska u dhashay Sawirada Taariikhiga ah ee ay ka qaadeen Somaliland wakhtiyadii dagaalkii Faqashta ee ay soo bandhigeen dadka iyo dalka oo ay ka muuqatay dhaawac iyo burbur oo dadkii ooyeen markii ay daawadeen..!! waxyaabaha aan la ilaabayn waxa weeyi; in ka badan 20 qoraa oo da’yar oo Somaliland gudaheega ku nool oo sanadkan oo qudha qoray laba buug ama buug oo halkaas mid waliba ku soo bandhigay….!! Wax aan la iloobayn waxa ka mid ah;Sida dadku buugaagta ugu gaafwareegayaan ee ay u iibsanayaan marka ay dul istaagaan miisaska lagu gadaayo buugta lagu soo bandhigay bandhigga.waxa aan la iloobi kareyn Gabayada,Heesaha iyo Buraan burka iyo Sitaadka iyo shaxda halkaas lagu soo bandhigay…!! Waxa aan la iloobayn ka soo qaybgalka uu ka soo qaybgalay bandhigga Wasiirka Arrimaha dibadda ee cusub ee Somaliland. Waxa kaloon la iloobayn,Ambaasadoorka dalka ingriiska Nayroobi u fadhiya iyo Safiirka dalka Holland oo shalay isaguna ka soo qaybgalay bandhigga iyo waliba wufuud badan oo ka kala socotay caalamka…!! Waxa aan la iloobayn ciyaartii isrogrogga iyo riwayaddii circus ta Havoyoco ee Somaliland ugu damyntii waxaan la iloobayn riwaayaddii xalay lagu soo xidhay ee Xildhibaan Cartan ee ku saabsaneynd (Musuqmaasuga).!!!!!!!! Waxa aan la iloobeyn dadaalkii iyo hawshii iyo soo dhaweyntii dadka Muhiimka ee Ayaan Cashuur ay waday intii uu socday Bandhiggu iyadoo ah,rukunka 2 aad ee badhigga sanad walba….!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! Waxa uu ahaa bandhigga buugaagta hargeysa todobaad xiiso iyo waayo aragnimo lahaa oo aan dadkii joogay iloobayn inta ay noolyihiin…..!!!!!!!!!!!!!!!!!!! Qore: C/casiis Maxamed Yoonis(ansaari). Macalin dhiga luuqadda ingiriisiga./Aqoonyahan School. Email: ansaari25@hotmail.com/Tel: 063 4175733. Hargeysa,Somaliland. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|