|
|||||
WAJAALE NEWS
Baarlamaanka Somaliland oo Guddi u Diray Shidaalka
August 2, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa (Wajaale News)- Guddi ka tirsan baarlamaanka Somaliland ayaa kormeer xaqiiqo raadin ah ku soo marey xarumaha ay ka socdaan sahaminta shidaalka ee Somaliland. Weriyaha VOA ee magaalada Hargeisa Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa la kulmay, wareysina la yeeshey Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha wakiillada Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo horkacayey guddiga. Xildhibaanka ayaa sheegay inay soo kormeereen hawlaha sahaminta shidaalka ee ka socda Bariga Somaliland, isaga oo tilmaamay inay hawsha sahamintu si wanaagsan u socoto. Xildhibaanka ayaa VOA u sheegay inay guddigoodu warbixin u gudbinayaan Baarlamaanka. Isaga oo ka jawaabaya hadal ka soo yeedhay dawlad goboleedka Puntland oo ugu baaqday Somaliland inaan shidaal laga qodin dhulka ay labada dhinac isku haystaan, ayaa waxa u xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi uu tilmaamay daandaasi iyo faragalin.
Xigasho: VOA Related posts:U Diyaar Garowga Munaasibadda Ciidal Adxa Oo Laga Dareemayo Caasimada Hargeysa Iyo Ciidamo Tiro Bada... Magacyada Salaadiin iyo Ganacsato Reer Somaliland Ah oo La Sheegay In Ay Garoowe U Tageen Xal U Raad... Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Gudomiyaha G, Wakiilada Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Dalka K... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|