Baarlamaanka Oo Ay Hortagayaan Kooxdii Wasiirada Cusub Ee Madaxweyne Siilaanyo Uu Magacaabay Iyo Go?aanka La Sheegay Inay Ka Qaadan Doonaan Ansixintooda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baarlamaanka Oo Ay Hortagayaan Kooxdii Wasiirada Cusub Ee Madaxweyne Siilaanyo Uu Magacaabay Iyo Go?aanka La Sheegay Inay Ka Qaadan Doonaan Ansixintooda
August 27, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa-(Wajaale News)-Wasiiradii cusbaa ee uu dhawaan madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo soo magacaabay ayaa fadhiga maanta ee golaha wakiilada hortagaya si xilalka loo magacaabay loo ansixiyo. Xubnaha wasiirada ee hartagi doona fadhiga golaha wakiilada ee maanta oo iskugu jira wasiiro, wasiiru dawlayaal iyo wasiir ku xigeeno, kuwaas oo todobaadkii hore ay guddi hoosaadyada golahaasi xogwaraysiyo la kala yeesheen, wasiirada cusub ayaa golaha wakiiladu ay maanta cod gacan taag ah oo gaar gaar ah ay ugu kala codayn doonaan ansixintooda xilalka wasiirnimo ee loo kala magaacabay.
Xubnaha wasiirada ah ee maanta hortagaya wakiilada ayaa waxa ka mid ah, wasiirka arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis, wasiirka warfaafinta Cabdilaahi maxamed Daahir (Cukuse), wasiirka kalluumaysiga Jaamac Buureed, wasiirka boosta iyo isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal,

dibu dajinta Axmed Cabdi Casoowe iyo sidoo kale wasiirada wasaaradaha xidhiidhka golayaasha, Biyaha, wasiiru dawlayaasha madaxtooyada, waxbarashada, wasiir ku xigeenada arrimaha bulshada, ganacsiga, warfaafinta. Dhinaca kale golaha wakiilada ayaa la sheegay inay duuduub ugu codayn doonaan ansixinta wasiirada cusub oo uu ka maqan yahay oo kaliya wasiirka arrimaah gudaha Cali Maxamed Waran-cade.

Wajaale News
Office Hargeisa/Somaliland

COMMENTS
LINKS