ar Deg Deg Ah:Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Oo Awood Kaga Tiriyay Xilkii Gudoomiyaha Degmada Agabar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
ar Deg Deg Ah:Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Oo Awood Kaga Tiriyay Xilkii Gudoomiyaha Degmada Agabar.
August 15, 2013 - Written by editor

Agabar(WJN)-Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi ayaa, si degdeg ah uga dalbey Gudoomiyaha Degmada Agabar Axmed Yuusuf Jaamac(Axmed-Adeero)ayaa si degdeg ah uga dalbadey in uu ku wareejiyo xilka Kadib markii uu hore, uga diidey xilwareejinta Gudoomiyaha Degmada Agabar

 

Agabar(WJN)-Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi ayaa, si degdeg ah uga dalbey Gudoomiyaha Degmada Agabar Axmed Yuusuf Jaamac(Axmed-Adeero)ayaa si degdeg ah uga dalbadey in uu ku wareejiyo xilka Kadib markii uu hore, uga diidey xilwareejinta Gudoomiyaha Degmada Agabar arintaas, oo uu isku casiley Xoghayihii D/hoose ee Degmadaasi Ismaaciil-yare.

 

 

 

Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi oo shabakada Wararka Hadhwanaagnews kula xidhiidhey khadka isgaadhsiinta isagoo kusugan Magaalada Agabar ayaa sheegay, in uu ka qaadayo Xilka Gudoomiyaha Degmada Agabar Axmed-Adeero, Waxaanu sheegay in uu kaga qaadayo xil gudasho la,aan uu gudan waayey xilkiisa howlaha shaqo ee Degmadaasi, haseyeeshee Gudoomiyaha Degmada Agabar Axmed Yuusuf Jaamac (Axmed-Adeero), ayaa Sheegay in sababta xilka looga qaadayaa ay tahey arimaha Shirka Agabar uga furmi doona beelaha Sacad Muuse ee la filayo, taas oo marka hore lagu amrey in ay is hortaagaan Shirkaasi laakiin ay ka diideen amarkaasi Badhasaabka Gabiley sida uu Sheegay Axmed-Adeero.

 

“Waxa nalagu soo weerarey Sadex Baabuur oo Ciidamada Booliska ah ee RRUda waxaana la igu amrey inaan hada Xilka tiriyo uma qabo in howshan Badhasaabku wato laakiin waxa dabada ka wada cid kale waayo waxa nalagu yidhi ka hortaga Shirkaasi, anaguna waanu diidney maxaa yeelay Reer Agabar dhibaatooyin badanbaa haystey oo dhinaca Beeraha ah afartaa cisho ee Shirka Agabar la wadwadey ayay Magaalada iyo dadku ka faa,ideen oo dhaqdhaqaaq arkeen dhinaca kale ma Wasiir Kuxigeenka Amniga ee Arimaha Gudaha  ayaa horjoogsan kara wax beel dhan oo dalka awood kulihi ay ku arinsanayaan dhici meyso Yamaarugna kama shaqeeyo Gobolkee wuu u qayilaad iyo howlo yimid”Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Xilka laga tirinayo Axmed-Adeero oo u Waramey Wajaalenews isagoo ku sugan Degmada Agabar.

 

Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi oo Wajaalenews la Xidhiidhey waxa uu sheegay in ay ka qaadayaan Xilka Gudoomiyaha Degmada Agabar si degdeg ah iasgoo sababta xilkaqaadista ku Sheegay in ay tahey Xilgudasho La,aan. “Waanu ka qaadeynaa Xilka waxaananu uga qaadeynaa Xilgudasho la,aan”Ayuu yidhi Yuusuf Ibraahim Geedi.

 

Dhinaca kale Xoghayaha D/hoose ee Degmada Agabar Ismaaciil Yare ayaa Sheegay, in uu isaguna iska casiley Xilkii Xogahayaha D/hoose ee Degmadaasi maadaama qasab loola yimid in looga tiriyo Xilka Gudoomiyaha Degmada.

 

“Waxaan ku idhi Gudoomiyaha Gobolka ukaadiya oo mudo hanalagu simo intaanu sameyneyno Xilwareejin waa maxey Qafladani waanu na diidey isagoo sadex baabuur oo Ciidan ah wata ayuu noo yimid warqadna ka Sita Wasiir Kuxigeenka Arimaha Gudaha ee amniga aniga la igama qaadeyn xilka laakiin waan is casilayaa hadii taasi dhacdey”Sidaa waxa yidhi Ismaaciil Laangadhe Xoghayaha D./hoose ee Degmada Agabar.

 

Talaabadan ayay aad ula yaabeen Dadweynaha kunool Degmada Agabar iyagoo, ku sheegay in tahey arimo lagu xiniinyo taabanayo Shirka Beesha Sacad-Muuse ee ka bilaabmaya Degmada Agabar iyadoo la Sheegay in ay arimaha qaarkood ka socdaan dhinaca Madaxtooyada gaar ahaan Marwada Madexweynaha oo kasoo horjeeda Shirka Agabar ee Beesha Sacad-muuse.

 

 

WAJAALE NEWS DESK

GABILEY OFFICE

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS