Agaasimihii Hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Soo Jeediyay In Sharciyadda La Waafajiyo Sahaminta Shiidaalka Dalka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Agaasimihii Hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Soo Jeediyay In Sharciyadda La Waafajiyo Sahaminta Shiidaalka Dalka
August 20, 2013 - Written by editor

hadana waa in ay jirtaa sharciyad cad oo lagula shaqeynayo shirkadan si loo badbaadiyo umada Reer Somaliland

Xildhibaan Ibraahin Reyte ioo Muujiyey werwer weyn oo uu ka qabo Shidaal Baadhida ka socota dalka , isaga oo shaaca ka qaaday in haba yaraatee aanay jirin sharciyad lagu hago hawlaha shidaalka , waxaa kale oo xildhibaanku shaagay in uu taageersan yahay in shidaalka iyo hantida dabiiciga ee aynu leenahay mihiim tahay in laga faa,iideysto hadana waxa uu hoosta ka xariiqay mihiimada ay leedahay in sharci iyo kala danbeyn la helo , hawshana golayaashu ku yeeshaan talo bixin.

Waxa kaloo jira in mareeyayaha shirkada baadhaysa shidaalka uu hore ula kulmay dhibaato weyn oo kaga dhacday bada mexico , markaas

oo ahaa maareeyaha shirkada shidaalka baadha ee Bp? , markaasoo saliid badan ku daatay bada Mexico oo dad iyo duunbyoba wax yeelo ooga timid .

Hadaba mihiimada ugu weyn waxa weeye in dawlada lagu taageero shidaalka ay soo saareyso, hadana waa in ay jirtaa sharciyad cad oo lagula shaqeynayo shirkadan si loo badbaadiyo umada Reer Somaliland.

Halkan ka daawo dooda Xildhibaan Ibrahin Reyte iyo Raali gelintii uu bixiyey Tony Hayward markii shidaalku ku baahay bada Mexico .

Warbixintaan waxaad iyada oo dhameystiran kala socon kartaan Badbaadomedia.com , waxaana diyaariyey Badbaabomediagroup in Birmingham

Guji link hoose

http://www.youtube.com/watch?feature=player_detailpage&v=X8p4s7EE6FY

http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=62pl5morbmk

COMMENTS
LINKS