|
|||||
WAJAALE NEWS
Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen( Dhabeeye)Oo Sheegay In Ka Go,antahay Tayaynta Dhalinyarada.
August 11, 2013 - Written by editorAgaasimaha Guud Ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen( Dhabeeye)Oo Sheegay In Ka Go,antahay Tayaynta Dhalinyarada. Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen( Dhabeeye)Oo Sheegay In Ka Go,antahay Tayaynta Dhalinyarada.
Hargaysa(HWN)Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Dhalinyarda, Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Somaliland Md Maxamed xuseen (dhabeeye)ayaa maanta ka warbixiyey xaalada dhalinyarada iyo ciyaarah ee dalka iyo waxa ka wasaarada ahaan uqorshaysan mustaqbalka dhaw iyo ka fogba. Agaasimaha Guud oo maanta warysiyey radio hargaysa ayaa sheegay in ka wasaarada ahaan gunti dhisha isaga dhigi doonan sidii ay ugu midho dhalin lahaayeen higsiga iyo himilada fog ee madaxwaynaha JSL MD Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo horseedka kayahay ee ku aadan horumarinta dhalinyarada Somaliland. Agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland mudane maxamed xuseen( dhabeeye)ayaa sheegay in ka go,antahay in ay tayeeyaan ciyaaraha horumariyaan xaalada ciyaaraha ee dalka haday noqon lahayd dhinaca ciyaaraha,garsoorka iyo tababarayaasha islamarkaan hawlaha farsamada oo dhan ay sanadkan kor uqaadi doonaa kana hawl gali doonaan garsoorka iyo tababarayaasha. Sidoo kale agaasimaha guud ayaa hoosta ka xariiqay in sid ugu dhakhsaha badan ay ugu bixin doonaan gobolada dalka oo dhan,si ay kormeer ugu soo sameeyaan xalada dhalinyarada,ciyaaraha,garoonada iyo dalxiiska una soo qiimayan lahaayeen waxa ka dhiman iyo waxa ay tabayaan dhalinyaradu. Gaba gabadii agaasimuhu waxa uu sheegay in ay kordhin doonaan xidhiidhka ay la yeelan doonaan wadamada dariska iyo kuwa caalamka waxaanu uu sheegay in ay qorsha ugu jirto sidii ciyaarta horyaalka kooxa koobaad oo qorshaha ugu jira aya yeeshaan wakhti go,an oo lagu xisaabtamo islamrkaan aya tayeeyaan kooxa heerka labaad iyo ka saddexaad.
WAJAALENEWS OFFICE
Contact Us : Wajalenews@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|