|
|||||
WAJAALE NEWS
Afhayeenka Xisbiga Wadani Oo Ka Digay In EU Ay Weel Wax Ugu Wada Rido Somaliland Iyo Somaliya
August 24, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa (Wajaale News)- Afhayeenka xisbiga Wadani Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa,ayaa ka digay in meel wax ay ugu soo wda ridaan midawga Yurub Somaliland iyo Somaliya,waxaanu sheegay in loo baahan yahay in midawga Yurub mid walba dhankiisa waxay siinayaan ay u siiyaan. Afhayeenka Wadani Ibrahim Mahdi Buubaa Waxa uu sidan ku sheegay afhayeenka xisbiga Wadani mar uu la hadlaayay tilifishanka HCTV,waxaana ugu horayntii uu hadalkiisa ku bilaabay sidan Waftiga ka socday midawga Yurub ee soo gaadhay Somaliland waxay la kulmeen wasiirada arimaha dibada iyo qorshaynta qaranka waanay ka hadleen oo ay mawqifkooda ka cadeeyeen arintaas halka ay ka taagan yahiin,guud ahaan midawga Yurub deeqaha ay ugu talo galeen Somaliland iyo Somaliya waxaanu anagu aaminsanahay in qolo walba deeqdeeda si ay u madax banaantahay loo siiyo,waxaanuse ka digaynaa inay deeqahaasi noqdaan kuwo soo mara dawlada Muqdisho oo uu noqdo wax weel kaliyaata ugu soo wada dhaca.? Afhayeenka oo ka hadlaaya shilalka wadada isku xidha Hargeysa iyo Berbera waxa uu yidhi?Waxaynu ka war haynaa dhibta wadadaas iyo dooxyadeeduba ay ku hayaan dadka Somaliland,waxaynu ognahay inay noqotay wadada wadka, oo ay noqotay wadooyinka Somaliland ta ugu shilka badan leh wadadan u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera sidaas daraadeed hay?ada wadooyinka ee Somaliland oo hada wasaarada madaxtooyada la hoos geeyay oo wasiirka madaxtooyadana hoos tagta ayaa ku ceebaysan arintaa iyada ah iyada ayaana laga rabaa sida ugu dhakhsaha badan toban biriish ma gaadhayaane in ay xukuumadu u soo jeedsato oo wax ka qabato.
Wajaale News Office Hargeisa/Somaliland Related posts:Hirdanka Siilaanyo Iyo Muuse Biixi Saamayn Intee Leeg Ayuu Ku Yaalan Kartaa Xawaalada Dahabshiil??... Xukuumada Somaliland Oo Bilowday In Ay Gobolka Sanaag Ka Raafto Dadka Kasoo Jeeda Koonfurta Somaliya... "Kuwa Xafiisyadda Ka Furtay Garoowe iyo Kuwa Diidan Doorashooyinka Waa Isku Mawqif”.Faysal Cali Wara... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|