Xukuumadda Soomaaliya Oo Si Toos Ah U Cadaysay In Hawada Soomaaliya Si Toos ah Looga Maamuli Doono Muqdisho Iyo Baarlamaanka Somaliya Oo Ka Dooday Hindise-Sharciyadeedka Duulista Iyo Saadaasha Hawada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Soomaaliya Oo Si Toos Ah U Cadaysay In Hawada Soomaaliya Si Toos ah Looga Maamuli Doono Muqdisho Iyo Baarlamaanka Somaliya Oo Ka Dooday Hindise-Sharciyadeedka Duulista Iyo Saadaasha Hawada
July 24, 2013 - Written by editor

Hargeisa-(WJN)-Guddiyo kala matalaayay Somaliland iyo Somaliya oo shir wadajir ah ku yeeshay dalka Turkigu ayaa hore u

hargeisa-(WJN)-Wasiirka warfaafinta dalka Soomaaliya, Abdillahi Ciil Mooge, oo ka qayb galay kulan uu ku hortagay baaralamaanka dalka Soomaliya oo ka doodayay hindise-sharciyadeedka duulista iyo saadaasha hawada ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in hawada Soomaaliya si toos ah looga maamuli doono magaaladda Muqdisho wixii ka dambeeya bishan aynu ku jirno ee December 31-keeda sanadkan 2013-ka.

Wasiirku waxa uu si toos u bayaamiyay in aanay marnaba dhici doonin oo aanay suurtagal ahayn in maamulka hawada Soomaliya loo raro meel ka baxsan Magaalada Muqdisho, Waxaanay xubnaha baarlamaanka Soomaliya ee mdashan fadhiyay manta oo ay tiradoodu ahayd 169 mudane ay sii guda galeen doodo aad u xasaasi ah oo ku saabsan arrimahan, waxaana la filayaa in Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya uu mar kale hor yimaado baarlamaanka.

Wasiirka warfaafinta, boostada, isgaadhsiinta iyo gaadiidka ee xukuumadda Soomaalyia Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa baarlamaanka ka hor akhriyay hindise-sharciyeedkan maamulka duulista hawada, waxaanu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in hawada Soomaaliya laga maamuli doono meel ka baxsan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee bishan aynu ku jirno badhtamaheedii ayay guddiyo kala matalaayay Somaliland iyo Somaliya oo shir wadajir ah ku yeeshay dalka Turkigu ay iclaamiyeen in labada dhinac ay isla garteen in hawada dalka Soomaliya laga maamulo caasimada Somaliland ee Hargeysa isla markaana guddi isku dhaf ah oo labada dhinac kala matalaaya oo ka soo baaraandaga sida loo wada maamulayo hawada oo xaruntoodu noqon doonto caasimada Somaliland ee Hargeysa, arrintan oo doodo xasaasi ah oo si weyn la isu waydiinayo arrimahan ka dhalisay Somaliland.

WAJAALE NEWS STAFF

Muqdisho office

COMMENTS
LINKS