“Xukuumadda Kulmiye Wax Qabad La´aantiina, Been Bay Ku Darsatay…. “Cabdirashiid Maxamuud Cali | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Xukuumadda Kulmiye Wax Qabad La´aantiina, Been Bay Ku Darsatay…. “Cabdirashiid Maxamuud Cali
July 31, 2013 - Written by editor

dalka waxa aanu leenahay ha lagu celiyo haybadii iyo milgihii dawladnimo way lumeen, markaa runtii xukuumada kulmiye waxa aanu kula talin lahayn in ay milgihii iyo haybadii

Hargeysa (WJN) – Cabdirashiid Maxamuud Cali, oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa quudhsaday Warbixintii Xukuumaddu ay ka diyaarisay Saddex Sano Guuradeedii ka soo wareegtay Markii ay talada wadanka ku guulaysatay.

 

Cabdirashiid waxa uu xusay in Xisbiga Kulmiye lagu wareejiyay dal iyo dad mid ah, balse ay hadda faro madhan ka taagan yihiin.

Sidoo kale waxa uu ayaan darro ku tilmaamay in iyada oo ay wasiiradda Gaashaandhiga iyo arrimaha gudaha

Somaliland ay joogaan in wasiiradda madaxtooyada iyo warfaafintu ay soo dhaweeyaan ciidamo la sheegay in ay ka soo goosteen Khaatumo.

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar aanu goor dhaweyd khadka telefoonka kula xidhiidhnay isaga oo jooga Hargeysa, ugu horeyn waa kan isaga oo ka hadlaya bal wax qabadka xukuumadda iyo sida uu xisbigooda Wadani u arko

?Waxa aan odhan lahaa islaantii Indho La?aantii, dad cunimo ayay ku darsatay, Xukuumadda Kulmiye Waxqabad La?aantii Been Bay ku darsatay baan qabaa, waxa aan u arkaa saddex sanadood oo runtii Khasaaroobay,  Horumarkii ay doonayeen dadka reer Somaliland oo ka khasaaroobay baan u arkaa? ayuu yidhi.

Mar uu ka jawaabayay Su?aal ahayd Bal arragtidiisa sida uu arko in xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ay wax qabadkeeda ku darsato in kooxdii SSC ay idil ahaanteedba ku soo biirtay xukuumadda, milatarigeediina ay isa soo dhiibeen.

?Waxba kama jiraan warkaasi, SSC waynu ognahay sideedii ayay u hubaysan tahay u joogtaa, Somaliland ama xukuumadda laba nin ayaa uga yimid, midi wuu tagay oo waynu ognahay oo wuxuu ahaa Wasiirul Dawlihii Nabaydaynta, Wasiirka kale ee iminka Wasiirka Caafimaadkana waad og tihiinoo mar walba waa cadhoodaa oo la soo celiyaa, waxa aynu ognahay in aanu kulmiye ka soo bixin balanqaadyadii uu la galay madaxdii SSC uga timid.

Markaa waxba kama jiraan waa sheegasho, runtii aan sal iyo raad toona lahayn.

Waxa kale oo jirta maalmo dhawayd ciidmo ayaa  ka soo galay, runtii waxa aanu u arkaynay in ay iyada lafteedu ihaano ahayd, ciidamo soo galay oo Wasiirka Madaxtooyadda iyo Wasiirka Warfaafintu soo dhaweynayaan, laakiin anaay wasiirka Gaashaandhiga iyo amnigu aanay joogin, Iyadana waxa aanu u arkaynay in la xumaynayo nabadda ay doonayeen dadkaasu? ayuu yidhi.

Mar aanu waydiinay bal sida uu arko warka Xukuumadda ee ah in ay Somaliland halkii ugu wanaagsanayd Marayso waxa uu yidhi ?Runtii Arrintaasi sheegasho ayay ahayd, dalka waxa ugu muhiimsani waa nabadgalyo iyo midnimo,Labada midnaba lama hayo.

UDUB Dal mid ah iyo dad mid ah ayay runtii ku wareejisay Xisbiga Kulmiye, waxa aad og tihiin in ay iminka Axmed Dhagax Hargeysa ka go?an tahay, Boorama iyo Saylac kala go?an yihiin, Burco Khad Cagaarani dhexyaalo, Buuhoodle Xudur aan la haynin, khaatumo iyo SSC Sidii u taagan yihiin.

In dawlado laga dhex sameeyay intii xukuumada kulmiye talada haysay, Dawlad Khaatumo la yidhaahdaa Wadanka dhexdiisa ku abuurantay, ayaynu runtii ka wada war haynaa, markaa waxa aanu runtii leenahay wadanka hoos u dhac wayn baa ku yimid, nabadgalyadiisii iyo midnimadiisiina faraha ayay ka baxday.

Gabogadiina waxa uu soo jeediyay wixii uu kula talin lahaa shacabka reer Somaliland iyo xukuumaddaba waxaanu yidhi ?Horta Dawladnimadu maaha Malcaamad, Fadhiisin laga uruuriyo iyo hudheel maalintii lagu xisaabiyo inta qado ah ee ka baxday.

Laakiin waa dastuur, waa sharci, waa kala sarayn iyo iyo kala dambay, waa istaraajiyad siyaasadeed, waa ku talo gal, isla xisaabtan aqoon ku dhisan, markaa maaha One Man Show Ayaan qabaa.

Marka uu wasiirka gaashaandhigu aanu hawshiisii u madax banaanayn, Wasiirka Arrimaha guduhu aanu u madax banaanayn, Wasiirka arrimaha Dibadu aanu u madax banaanayn, waxa aan leeyahay dee wax badan baa khaldan, dalka waxa aanu leenahay ha lagu celiyo haybadii iyo milgihii dawladnimo way lumeen, markaa runtii xukuumada kulmiye waxa aanu kula talin lahayn in ay milgihii iyo haybadii dawladnimo la soo celiyo, umadani uma baahna wax baanu qabanay, waxa ay u baahan tahay in ictiraafna loo raadiyo horumarna loo raadiyo iswata midna ma muuqdo, laakiin in Telefishanadda looga sheego wax baanu qabanay aan jirin runtii maaha wixii Somaliland ka sugay xukuumadda kulmiye? ayuu yidhi.

 

 

YUUSUF JAAMAC

WAJAALE NEWS OFFICE

Hargeisa Somaliland

COMMENTS
LINKS