Xukuumada Somaliland oo ku dhawaaqday in ay dhamaystirtay dib u habayntii ay ku samaysay Madaarka hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland oo ku dhawaaqday in ay dhamaystirtay dib u habayntii ay ku samaysay Madaarka hargeysa
July 28, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa (Wajaale News )- Xukuumada Somaliland  oo ku dhawaaqday in ay dhamaystirtay dib u habayntii ay ku samaysay  Madaarka hargeysa. Sidaa waxa Saxaafada u sheegay Sargaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland isaga oo ku hadlaya Afka Wasaaradaasina Maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday in uu dhamaaday dhismihii Run-way-ga Madaarka Hargeysa oo socday sanad iyo dheeraad.

Agaasimaha Protocolka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ayaa bahda Warbaahinta Madaxa bannaan ee Somaliland   u xaqiijiyay saaka in hawshii dhismaha Run-way-ga ee madaarku dhamaatay, isla markaana Munaasibadda Ciidal Fidriga si rasmi ah loo furi doono hawlihii Madaarka oo dhan.

Waxana la filayaa in masuuliyiinta Madaarku ay  si rasmi ah ugu dhawaaqaan Hawshii Madaarku inay dhamaatay, waxaana booqan doona Dad lagu soo casuumay oo isugu jira Culimo iyo Madax dhaqameed, kuwaas oo wasiirka Duulistu sida la filayo uu Casuumad Afur ah ugu samayn doono Hotelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa.

Madaarka Hargeysa ayaa waxa qandaraas ku qaatay dhismihiisa shirkad Chinese ah oo lagu Magac China Horn Group, taasoo qalab casri ah u keentay isla markaana kala kulantay turaanturooyin dhinacyo badan leh, balse sida ay Wasaaraddu baahisay  Hawshaasi Maanta la soo gabagabeeyey.

Wajaale News Desk

Hargeysa / Somaliland

 

COMMENTS
LINKS