Xukuumada Somaliland ayaa Maanta ku dhawaaqday in ay xayiraadii ka qaaday Duulimaadyadii Diyaaradaha Qaramada Midoobay ay Dalka ku iman jireen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland ayaa Maanta ku dhawaaqday in ay xayiraadii ka qaaday Duulimaadyadii Diyaaradaha Qaramada Midoobay ay Dalka ku iman jireen
July 15, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa (Wajaale News)- Xukuumada Somaliland ayaa Maanta ku dhawaaqday in ay xayiraadii ka qaaday Duulimaadyadii Diyaaradaha Qaramada Midoobay ay Dalka ku iman jireen. sidaa waxa ku dhawaaqay  Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo maanta qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlayey xafiiska garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa isaga oo dhinaca kalean ka hadlay heshiiska laga gaadhay maamulka hawada Somaliland iyo somaliya.
Wasiirka duulista oo ugu horayntii ka hadlaya duulimaadyada qaramada midoobay ee ay xukuumadda Somaliland hore xayiraada u saartay waxa uu yidhi ?heshiiska ka soo baxay wada hadaladii turkiga waa mid abuuri karo jawi lagu maamuli karo hawada Somaliland iyo somaliya, kaas oo dan weyni ugu jirto Somaliland, aniga oo ku hadlaya magaca xukuumada waxaan idiin sheegayaa in Somaliland ay dib u qiimaysay duulimaadyadii ay xanibtay ee qaramada miboobay, anaga oo ka duulayna heshiiskan hor dhaca ah, baahida loo qabo danaha adeegyada bulshada maanta laga bilaabo waxaanu ku dhawaaqaynaa inaanu dib u furay duulimaadyadii qaramada miboobay.?
Sidoo kale wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland waxa uu ka war bixiyey halka ay marayo mashruuca dib u dhiska madaarka caasimada Hargeysa oo mudooyinkii u danbeeyey xidhnaa isaga oo sheegay in sida ugu dhakhsaha badan loo furi doono garoonka waxaanu yidhi ?mashruucii dib u dhiska madaarka Hargeysa oo ahayd inaanu furno 20 bishii june dib ayuu nooga dhacay waxaana sababay duruuf farsamo,waxa ku yimid dhibaatooyin doora kuwaas oo ay ka mid ahaayeen roobabkii guga oo ku keenay dib u dhac, iyo karajaradii dhagaxa samaynayey oo ku yaraaday, arimahaas ayaa keenay dib u dhaca balse waan ka raali gelinayaa bulshadii ku tala gashay inay sanadkan ka soo dagto garoonka, waxaanan rajaynaynaa inuu mashruuci si dhakhso ah u soo dhamaado iyada oo dhismaha garoonku gabagabo ku dhaw yahay wakhtigan?ayuu yidhi wasiirka duulista Somaliland.

Wajaale News Desk

Hargeysa / Somaliland

COMMENTS
LINKS