Xukuumada oo xidhxidhay dad taageeray golaha wada tashiga oo dagan degmada Abdaal ee gobolka Saaxil | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada oo xidhxidhay dad taageeray golaha wada tashiga oo dagan degmada Abdaal ee gobolka Saaxil
July 30, 2013 - Written by editor

BERBERA (wajaalenews) Warkan oo caawa na soo gaadhay ayaa sheegay sababta lagu xidhay tahay, in ay taageero u muujiyey golaha wada tashiga oo xadhig loo gaystay Dadkan oo Shir Jaraaid ku qabtay degmada Abdaal, Wararka naga soo gadhay degmada abdaal aya shegaya in xadhig iyo jidhk dil loo gaystay dadkaasi kadib marki ay si cad u taageeraan golaha Wada tashiga

 

Hada waxa la sheegay  in ay ku jiraan xabsiga ber-bera,  halka mid koodna ku xidhanyahay hargeisa , dadkan  ayey xukumadu isugu dartay jidh dil iyo xadhig, taaso ay dhibaato u gaysteen dadka mawqifkoda cadeeyey dadkani waxay isugu jireen dumar iyo rag sidoo kale waxa la shegay in dumarka la xidhay mid ka mid ah ay uur leedahay oo ay xaamilo tahay,

 

waxa dadkan xadhigooda ka danbeeyey, taliyaha dakada ber bera, maxamed dacar ibrahin maareeyaha dakada cali xoor xoor, iyo taliye ku xigeenka qaybta bilayska ee gobolka Saaxil

Hadaba akhriso liiska dadkan xidhan ee aanu helnay imika

1. Muxiyadiin Faysal
2. Maxamed cabdi bidhiyo toorele
3. Cabdirisaaq Cabdilaahi
4. Xamda Maxamed Cali
5. Hoodo Amaan
6. Xaawa Cabdi
7. cabdi
8. Maxamed Miriq
9. ina cayuun.

waxii ka soo kordha kala soco wajaalenews

 

 

COMMENTS
LINKS