|
|||||
WAJAALE NEWS
Xubno ka Socday Somaliland oo Shir Caalami ah kaga qayb galay Wadanka Suudaan oo soo laabtay
July 5, 2013 - Written by Wariye:Hargaysa (wajalenews) Sadex Xubnood oo ka Socday Somaliland ayaa ka soo laabtay Shir Caalami ah oo lagaga hadlayay Wax ka qabashada iyo Xakamaynta Cudurka HIV kaas oo lagu Qabtay Caasimada Wadanka Sudaan ee Khartum. Sadexdan oo kala ah Nafiisa Maxamud oo ka Socotay Wasaarada Warfaafinta gaar ahaan Waaxda Wacyigelinta ,Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland Foosi macalin Liibaan Xasan, iyo Guuleed Cisman Cabdi agaasimaha Dalada Isku Xidhka Dadka Xanuunka H.IV Talo Wadaag. Nafiisa Maxamud ayaa Sheegtay In Shirkan oo Mudo Sadex Cisho ah socday ay ka soo qayb galeen Wadaamada Jabuuti,Masar,Iiraan,Yemen,Somaliland iyo Somalia, Isla markaana ay soo qaban qaabiyeen Hay’adaha UNDP iyo UNAIDS iyadoo Muhiimada laga lahaana ahayd Sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha la soo dersa dadka xanuunka la nool iyo sidii loo Joojin lahaa Takoorka ay la Kulmaan iyo Sidii loo samayn lahaa Xeer lagu xakamaynayo Xanuunkan iyo Weliba in Si fudud ay dadka Xanuunkan la deriska ahi u heli lahaayeen daawooyinka ay kula Tacaali lahaayeen. Nafiisa Maxamud waxay Xustay in baahi Weyn loo qabo sidii loo Xoojin lahaa Wacyigelinta iyadoo ka dalbatay In Saxaafada Madaxa Banaanina ay ka qayb qaadato wacyigelin lagu Xoojinayo Wax ka qabashada Xanuunkan iyadoo sidoo kale ugu baaqday In Culimadu ay door muuqda ka Ciyaaraan Arrintan . Geesta kale Gudoomiyaha Solla Foosi macalin Liibaan Xasan ayaa isagu balanqaaday in Wixii ay adeeg sharci ah ee ay u baahan yihin ay dadka Xanuunkan la Nooli uu Ururkooda u fidin doono. Office: Hargaysa COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|