|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiiro Mar kale Degmada Xariirad u Tagay Xalinta Shaqaaqooyinkii ka Dhacay DHawaan
July 7, 2013 - Written by Wariye:Xariirad (wajaalenews)-Wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Awdaahir Cali ayaa maanta socdaal hawleed ku tagay Gobolada Awdal iyo salal. Waftigan oo ay ka mid yihiin wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta Sh. Khaliil C/llaahi Axmed, wasiirxigeenka wasaarada cadaaladda Nuur Cismaan Guuleed iyo xildhibaan Axmed Maydhane Waaberi oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa waxa socdaalkoodu la xidhiidhaa hawlgalka xalinta dhacdooyinkii kala dambeeyay ee ka dhacay degmada xariirad kuwaas oo falal dil ah oo kala duwan loogu gaystay laba muwaadin. Wafdigan ayaa maanta uga sii gudbay xarunta Gobolka Awdal ee Boorame dhinaca Degmada Xariirad ee Gobolka Salal. Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Dr. Cabdi Awdaahi Cali ayaa sheegay in wafdigoodani inta ay joogaan degaankaas ay kulamo la yeelan doonaan duqayda iyo waxgaradka kale ee degaankaas kana hawlgali doonaan sidii loo gaadhi lahaa xal lagu soo afjarayo falalkii dilka ahaa ee ka dhacay degaanka xariirad.
Office:Hargaisa BY: Cabdiqadir Cabdiraxman Habane
Related posts:Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Iyo Masuuliyiinta Wasaarada Deegaanka Oo Baabiyay Seerayaal Sharci ... Xisbiyada Mucaaridka Oo Ka Hadlay Xadhiga Wasiirka Gaashaandhigu Kula Kacay Maareeyihii Tvga Bada Ca... Dawlado Kale Oo Kusoo Biiray Dadaalada Loogu Jiro Dib Ubilaabida Wada Hadalada Somaliland Iyo Somali... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|