|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Inaanay Dalka Ka Hawl-geli Karin Warbaahin Aan Ruqsad Haysani
July 23, 2013 - Written by editor
(Wajaalenews) Tuesday, July 23, 2013
Hargeysa(WJN)-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md.Cabdillahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa maanta kulan kula yeeshay xafiiskiisa Madaxda Telefishanada gaarka loo leeyahay ee dalka ka howl-gala. Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdillahi Maxameed Daahir, ayaa kala hadlay masuuliyiintaas sidii ay u waafajin lahaayeen waxa ay bulshada u baahinayaan shuruucda dalka u taalla isla markaasina ay ka feejignaadaan wixii wax u dhimaya Amman, Diinta iyo Dhaqanka. Wasiirku waxa uu intaa raaciyay in xukuumad ahaan ay ku taageerayaan warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Telefishanadu ka mid yihiin shaqadooda, balse iyana dhinacooda looga baahan yahay inay tixgeliyaan qawaaniinta dalku leeyahay. Wasiirka warfaafintu waxa uu sheegay in aanay dalka ka hawl-geli Karin warbaahin aan ka sharciyeysnayn dalka,ruqsadna aan ka haysan hay?adaha ku shaqada leh. Madaxda Telefishanada gaarka ah ee ka hawlgala Dalka ee kulanka ka qayb galay,ayaa iyana dhinacooda balan qaaday inay ku dhaqmayaan shuruucda iyo qawaaniinta dalka kuna dadaalayaan wixii dhaliilo ah ee jira in ay saxaan. Kulankan waxa Wasiirka ku weheliyey wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigelinta Md. C/waaxid C/qaadir C/raxmaan iyo Agaassimaha Guud ee wasaarada Md. C/rashiid Jibriil Yuusuf.
Wajaale news desk
wajaale Offic Related posts:Madaxwaynaha Somaliya Oo Gaadhay Dalka Jabuuti Iyo Nuxurka Kulan Uu la Qaatay Madaxwayne Geele. Gudoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Madax-dhaqameed Ka Socda Gobolka Sanaag Oo Laga Hor Istaagay In Ay La K... “Shacabka Falastiin Waanu Garab Taaganahay, Aqbalimayo In Maatida La Xasuuqo”Wasiirka Diinta Iyo Awq... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|