Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo ka qayb galay kulan Aqoonyahan reer Somaliland ah oo wax ku soo bartay waddanka Hindiya ay isugu yimdeen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo ka qayb galay kulan Aqoonyahan reer Somaliland ah oo wax ku soo bartay waddanka Hindiya ay isugu yimdeen.
July 30, 2013 - Written by editor

Wasiirku wuxu u ballanqaaday aqoonyahanka iyo ardayda wax ku soo baratay india in xafladaha ay sannadkii qabsadaan uu isgu ka bixin doono sannadka danbe.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo ka qayb galay kulan Aqoonyahan reer Somaliland ah oo wax ku soo bartay waddanka Hindiya ay isugu yimdeen.

 

 

Wasiirka wasaaradda madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa xalay ka qayb galay kulan is xog waraysi ah
oo ay isugu yimaadeen aqoonyahanada reer Somaliland ee dhowaan wax ka soo bartay Dalka Hindiya.

 

 

Ujeedada kulankani oo u badnayd afur wadareed ay wadaagayeen aqoonyahanka reer Somaliland ee wax ku soo bartay dalka Hindiya ayaa waxay iskula eegeen sidii ay u joogtayn lahaayeen kulamadooda noocan oo kale ah oo ay sanadkiiba mar isugu yimaadaan.

 

Wasiirka wasaaradda madaxtooyada somliland  Md. Xirsi Cali Xaaaji Xasan oo isna Dhankiisa hadal kooban ka jeediyey munaasabadaasi ayaa xusay in aqoonyahan badan oo dalka u dhashay ay shaqooyin kala duwan ka hayaan dalka gudihiisa, waxana uu u soo jeediyey aqoonyahankii kulankaa isugu yimid inay isku duubnaadaan kana shaqeeyaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen sidii loo gaadhi lahaa horumar muuqda .

 

Wasiirku wuxu u ballanqaaday aqoonyahanka iyo ardayda wax ku soo baratay india in xafladaha ay sannadkii qabsadaan uu isgu ka bixin doono sannadka danbe.

 

WAJAALE NEWS OFFICE

Hargaisa Somaliland

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS