Wasiirka Cusub ee Wasaarada Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Baandare oo Maanta Xilka Wasaaradaasi la wareegtay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Cusub ee Wasaarada Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Baandare oo Maanta Xilka Wasaaradaasi la wareegtay
July 2, 2013 - Written by Author

Hargeysa (Wajaale News)

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta  reer Miygiga Somaliland Marwo Shukri X. Ismaaciil Bandare ayaa maanta xilkii si rasmi ah ugala wareegtay Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi Maxamuud Siciid Maxamed (Gacmay).

Munaasibadna xilka lagula kala wareegayay Hotel Imperila ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire, Wasiir ku xigeenka Wasaardda Shaqadda iyo arrimaha Bulshadda Marwo Shukri Xariir Ismaaciil,   Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka Maxamed Faarax Xirsi iyo marti-sharaf kale.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda deegaanka Maxamuud Siciid Maxamed oo Munaasibadaasi ka hadlay waxa hadaladiisii ka mid “Wasaaradan waxa jooga shaqaale tiradoodu tahay 222  ah kuwaas oo kala jooga gobolada dalka oo dhan taas oo tayadoodu aad u wanaagsan tahay, gaadiidka wasaarada waa 17, markii aan wasaarada imid  waxaan ugu lahayd  hal gaadhi, wasaaradana waxa laga soo jaray wasaarada kale ee xanaanada xoolaha taas oo aanu mudooyinkii u horeeyey ku wadnay gaadiid aanu leenahay, wasaaradani waa nolosheenii waxay iskugu jirtaa deegaankii iyo horu marintii reer miyiga oo nolosheenu ku xidhan tahay”ayuu yidhi wasiirkii hore ee wasaarada deegaanka.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Marwo Shukri  X. Ismaaciil Bandare oo halkaas ka hadashay ayaa  sheegtay inay hawlaha wasaarada ka sii anba qaadi doonto halka  uu wasiirkani kaga tagay, shaqaalaha wasaaradana ka codsatay inay si wanaagsan ula shaqeeyaan.

Wasiirka qorshaynta Dr Sacad Cali  Shirre iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka oo halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyey  Wasiirka cusub, waxaany sidoo kale ku hambalyeeyeen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Deegaanka.

Wajaale News Desk

Hargeysa Somaliland

COMMENTS
LINKS