Wasiirka Caafimaadka SL oo Dalka Maanta Dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhammaystay Socdaal Shaqo oo uu ku tagay Dalka Kiiniya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Caafimaadka SL oo Dalka Maanta Dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhammaystay Socdaal Shaqo oo uu ku tagay Dalka Kiiniya
July 14, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa (Wajaale News)- Wasiirka wasaarada Caafimadaka Somaliland Mudane saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye ayaa maanta Dib Ugu Soo Laabatay Caasimada hargaysa Kadib marki Uu Ka Imid safar Shaqo uu uu ugu Maqnaa dalalka Kenya Iyo Djibouti Wasiirka Ayaa Ka Soo Dagey Gegada Diyaradaha Ee Cigaal Inter National Air-port Isaga oo Wasiirka taabtay kana Hadlay Shaqaaqooyin Dhawaan Ay Wadeen puntland waxaana uu Yidhi

“ilaahay ayaa mahad leh igu soo nabad celiyey dalkaygii, waxaan ku maqnaa safar shaqo aan ku tagay wadanka Kenya kaas oo aan ku wada hadlaynay haayadaha deeqaha bixiya, wada hadalkayagaasi waxa uu ku saabsanaa  sidii loogu  dedaali lahaa adeegyada caafimaad ee Somaliland, “  wasiirku intaasi oo Kaliya Kuma uu so Gaba Gabeeyn Ee Waxaa uu Raaciyay.

“Waxa kale oo aan soo maray wadanka jabuuti oo aan la soo kulmay wasiirka caafimaadka dalkaas, waxaanan uga mahad celinayaa wasiirka caafimaadka jabuuti deeq daawo ah oo ugu deeqay wadanka Somaliland.”

“doorasho kama socota deegaamada bariga balse maamulka Puntland qas ayey Ka  wadaan, waxanaan maamulka puntland u soo jeedin lahaa inay  ka waantoobaan qaska iyo dhibka ay ka wadaan deegaankaas, wax doorasho ah oo ay ka dhacaya deegaankaasina ma jirto”

“sida ugu dhakhsaha badan ayaan  u tagayaa deegaanka buuhoodle, barnaamijkii nabadeed intii ka dhinayd waan dhamaystiraynaa.”ayuu yidhi wasiir Saleebaan.

 

Wajaale News Desk

Hargeysa / Somaliland

COMMENTS
LINKS