Wasiir Xirsi Oo Badka Soo Dhigay Awoodiisa, Hanjabaad Adagna U Diray Siyaasiyiinta Ku Bahoobay Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Xirsi Oo Badka Soo Dhigay Awoodiisa, Hanjabaad Adagna U Diray Siyaasiyiinta Ku Bahoobay Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka
July 24, 2013 - Written by editor

Waxa timid sharci daradda, waar nina sharci daro laga yeeli maayo, ninkii sharciga diidoow, sharci daradu waxa ay kuu dhasho waxba ha naga siinin……..Wasiir Xirsi

Hargeysa (WJN) – Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa jawaab ka bixiyay hadaladii ugu dambeeyay ee ka soo yeedhay Siyaasiyiinta Golaha Wadata Tashiga iyo Toosinta Qaranka.

Waxa uu xusay in ay yihiin niman ku fashilmay siyaasadda qaranka, waxaanu xaaraam ku tilmaamay golahooda.

Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in dhawaaqyadii ugu dambeeyay ee ka soo yeedhay Siyaasiyiintaasi ay ahaayeen kuwo ka fog xaqiiqda, waxaanu yidhi “Waxa aan doonayaa inaan jawaab ka bixiyo niman aan u arko in ay ku Fashilmeen Siyaasadda oo gole la baxay oo doonaya in ay bulshadda ku khaldaan dareen odhanaya Maxaa Madaxtooyadda loo hoos geeyay Hay?adda Wadooyinka, waxa loo hoos geeyay Madaxtooyadu waa tii umadu dooratay, intii madaxtooyadda la hoos keenayna sida ay qirayaan deegaanka, xildhibaanadda iyo wasiiraduba, waa markii koowaad ee ay hay´adda wadooyinka u suurtogashay in la sameeyo wado cusub, intii horena waxa ay ku koobnaayeen kab-kab´ ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in ay wadooyin badan badan dhiseen intii Wasaaradda Madaxtooyada la hoos keenay hay´adda wadooyinka, waxaanu yidhi

Waxa uu badka soo dhigay in ay wax ka dhiseen wadooyinka U Kala Baxa goboladda iyo degmooyinka dalka qaarkood “Intii hay´adda Wadooyinka loo soo wareejiyay Madaxtooyada waxa aanu wax ka dhisnay Wadadan Isku Xidhaysa Kalabaydh iyo Wajaale oo aanu wajigii hore xadhiga ka jarnay oo aanu ku darnay 5 Kiilo Mitir, Wadada Dawga Cad oo aanu 5 killo mitir ugu deeqnay, Wadada Salaxley oo aanu 5 Kiillo mitir ugu deeqnay, wadada Oodweyne iyo burco u kala baxda oo aanu 5 Militir ka soo  bilawnay, waxa waliba sidaas dheer in aanu qalab u dirnay wadooyinka, qalabka wadooyinka lagu sameeyo ee dalka yaala oo jilicsan awgeed. Waxaas oo dhan baanu qabanay indhaha caafimaadka qabaana way arkayaan?

Waxa uu jawaab ka bixiyay hadalkii hore uga soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Waxaanu yidhi “Waxa aan doonayaa in aan halkan jawaab uga diro Faysal oo iska daa Kiilo mitire,  talaabo ku soo kordhin, maalinba ninka dalka xukumaya ayaad caayaysaa, waxaana dhici doonta in adiga oo halkaas naga caayaya oo la arki doono dalkii oo dhismay, waxa aan ku leeyayay af xumadda habeenkii iyo ergada habeenkii aad noo soo dirayso kala daa.

Bal ama isku filnoow, ama naga daa ergadda aad habeenkii madaxtooyadda u soo dirayso.

Marka laba col ay is galaan, waxa dhacda in gaadhiga la saaran yahay in la arko nin gaadhiga ka dega oo carara oo is yidhaahda malaha gaadhigu waa kula gaabinayaa, faysal waa ninkaas Xisbigiisii ka cararay ee u cararay gole, waxa aan ku leeyahay xisbigaaga ku soo laabo” ayuu yidhi.

Mar uu la hadlayay Afhayeenka Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka Ibraahim Cabdilaahi Xuseen Dhago-Weyne waxa uu yidhi “Waxa Jirta rag kale oo Magac Ku Lahaa Dalka, laakiin aad hadda mooda in ay magacoodii iyo sumcadii hore masaxayaan, kuwaas oo uu ka mid yahay Dhago weyne.

Hadaad shalayto soo Halgamaysay, laakiinse ay kuu barbar taalay in aad Siilaanyo u gasho Jidgooyo oo ina Cigaal Xilligii Sulaadiinta La uruurinayay aad lahayd waan duminayaaye soo deg oo ina Riyaalena Shalayto aad lahayd aynu ku duulo, oo maantana aad Siilaanyo leedahay aynu ku duulo oo weeraro, waa ayaan darro miyaanad weerar ka gudbayn, miyaanad ka gudbaynin in aad dalkaaga Tidhaahdo aan col geliyo.

Waxa aan ku leeyahay dalka waa la dhisayaaye qaybtaada ka qaado oo wax ka dhis” ayuu yidhi.

Dhinaca kale waxa uu sharci darro ku tilmaamay Golaha Toosinta iyo wada Tashiga, waxaanu ku goodiyay in aan dalkan Somaliland cidnaba laga ogolayn in ay sharci daro ku talaabsato “Waxa timid sharci daradda, waar nina sharci daro laga yeeli maayo, ninkii sharciga diidoow, sharci daradu waxa ay kuu dhasho waxba ha naga siinin.

Waxa weeyaan hogaamiyeyaal guul daraystay, shalay buu hogaaminayay UDHIS haddii lagu diiday oo umad ku dooran wayday” ayuu yidhi.

Mar uu la hadlayay Mujaahid Maxamed Xaashi waxa uu yidhi “Maxamed Xaashi waxa aan leeyahay waxa aad maana sheegayso maad sheegtid shalay markii aad wasiirka ahayd” ayuu yidhi.

COMMENTS
LINKS