Warsaxaafadeed: Xisbiga UCID oo Si adag ugu canbaareeyay Xukuumada SL faro gelinta qaawan ee ay ku hayso Xarunta Xanaaneynta iyo Dhaqan Celinta Caruurta Derbajiifka ee ku taala Degmadda Maxamed Mooge | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warsaxaafadeed: Xisbiga UCID oo Si adag ugu canbaareeyay Xukuumada SL faro gelinta qaawan ee ay ku hayso Xarunta Xanaaneynta iyo Dhaqan Celinta Caruurta Derbajiifka ee ku taala Degmadda Maxamed Mooge
July 14, 2013 - Written by Wariye:

 

War Saxaafadeed

 

Waxa maanta oo taarikhdu tahay 14/07/2013 u soo saarnay war-saxaafadeedkan in aanu Si adag ugu canbaareyno faro gelinta qaawan ay xukuumadu ku hayso Xarunta Xanaaneynta iyo Dhaqan Celinta Caruurta Derbajiifka ee ku taala Degmadda Maxamed Mooge ee Caasimadda Hargeysa. Waxaana runtii ah wax laga xumaado,isla markaana laga xishoodo in Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu uu xil ka qaadis ku sameeyo aasaasihii islamarkaasna ah maamulaha xaruntaasi Marwo Luul Xasan Mataan sifo ka baxsan ama baal marsan sharciga iyo xeer–hoosaadka lagu maamulo xaruntaasi. Ilaa inta aanu ka warqabno Xaruntaasi oo ka madaxbanaan xukuumadda waxa la asaasay May 2010 waxaana maamulo guddi ganacsato ah oo ka kooban shan xubnood oo gacan weyna ka geystay suurtogelinimadda iyo jiritaanka xaruntan. Sida ku cad xeer-hoosaadkoodana waxa awooda xilka qaadista iyo magacaabista Maamulaha Xarunta iska leh guddidaasi madaxbanaan. Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxa u soo mara foojarka deeqda yar ee ay xukuumaddu ugu deeqdo 150 ka mid ah caruurta lagu xanaaneeyo xaruntaasi oo min 4000 SL Shillings maalintii ay siiso ilmihiiba, taasna macnaheeduna maaha in ay wasaaraddu si toos ah iyo si dedban toona u maamusho xaruntaasi.

 

 

Waxa Xisbiga Caadaaladda iyo Daryeelku u arkaa xil ka qaadista Marwo Luul ee aan

habayaraate eh waafaqsanayn sifaha xeer-hoosaad xarunta ay sii xoojinayso tuhunkii ahaa in arrintan aanay ka madhnayn siyaasad maadaama maamulaha xarunta ee xukuumaddu toocsanayso ay la dhaltay ama ay walaal yihiin Musharaxa Jaggada Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga Ucid mudane Cabdirashiid Xasan Mataan. Taas oo sida la sheegay ay Xukuumadda Kulmiye ka cabsi qabto in caruutaasi darbijiifka ah ay Marwo Luul UCIDEYN karto mustaqbalka. Waxa aanu xukuumadda Somaliland guud ahaan, gaar ahaana wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ugu baaqeynaa in caruurta jilicsan ee u nugul dhibaatada ay ka deyso hagardaamadda oo dhaqaalaha yaraa ee siin jirtay ee ay ka xanibtay mudda 4 bilood ku dhow u sii deyso. Waxa kale oo aan Xukuumadda Somaliland ku boorineynaa in Caruurta Derbijiifka ah aanay siyaasad ka dayin ee ay ku eekaadaan dadka iyo caruurta GURIJIIFTA AH

COMMENTS
LINKS