Waftigii Somaliland ee Ka Qayb Galay Wada Hadaladda somaliland iyo somalia Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waftigii Somaliland ee Ka Qayb Galay Wada Hadaladda somaliland iyo somalia Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay
July 11, 2013 - Written by Wariye:

 

Waftigii Somaliland ee Ka Qayb Galay Wada Hadaladda somaliland iyo somalia Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

 

Weftigan ayaa ka soo degey Madaarka diyaardaha ee magaalada berbera……….

Hargeisa(GNS)Waftigii Reer Somaliland ee iskugu jiray wasiirada iyo xildhibaanada ee ka qayb galay shirkii wada hadalka Somaliland iyo Somalia ee ka dhacay waddanka turkey ayaa dalka Dib ugu soo noqday.

Weftigan ayaa ka soo degey Madaarka diyaardaha ee magaalada berbera, waxana halkaas ku soo dhoweyey masuliyiinta degmada berbera iyo maamulka gobolka saaxil iyo masuliyiin kale.

Weftiga oo uu hogaminayey wasiirka ganacsiga iyo maalgashigsa caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed C/alaahi ayaa Qolka Nasashada oo uu warbaahinta kula hadlayey sheegay in wada hadalkii ku soo dhammaaday Guul iyo is afgarad isla markaasna qodobkii lagu soo heshiiyey aha in hawada Somaliland ay Somaliland maamulkeeda yeelato lagana maamulo hargaysa.

Weftigan ayaa intaas kadib u soo kicitamay magaalada hargaysa, waxana warbixin kooban oo wasiirka madaxtooyadu ku qoray boggiisa uu ku leeyahay facebook uu ku yidhi sidan ?Safar 7 Cisho qaatay ka dib, Waa Alle Mahadii mar hadii aan maanta dalkayagii dib ugu soo noqonay. “Hada waa Bilow in aan Hawadeenii Maalmaha dhawayd muranka la gashay soo ceshanay, waxaa inoo dhiman Dhulkeenii, Badaheenii iyo guud ahaanba Madaxbanaanideeni

” Waxaa ka soo wareegtay saacado kooban, kadib markaan aniga iyo waftigii Wada Hadalada Dalkeena iyo Somalia uugu maqnaa Turkey aan ka soo degnay Gegada Diyaaraduhu ka haadaan ee Berbera Airport, sida aad la socoteen waxaan la soo guryo noqonay guulo hor leh, walaw himiladeenii wali wax inoo dhiman yihiin, sidii aan shaashadaha caalamka ka sheegnay guushayada u dambaysa waa in aan dalkayaga dib uugu soo celino Xoriyadii aan horay u lahayn ee mudo kooban ka hor inaga luntay.

Guud ahaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland waxaan uuga mahad celinayaa sidii qiimaha badnayd wadaniyada badana ku dheehnayd ee ay garab, guubaabo, toosin iyo ducaba noola ag joogeen. Hada waa bilow in aan hawadeenii maalmaha dhawayd muranka la inaga gashay soo ceshanay waxaa inoogu xigta Xududaaheena inta kale ee ay ka mid yihiin Dhulkeena, Badaheena iyo guud ahaanba Madaxbanaanideeni. Allaha Soonka inaga aqbalo.

Wajaale News Reporter
Wajaale somaliland

COMMENTS
LINKS