Wada hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliland ayaa Maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Istanbuul ee Turkiga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wada hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliland ayaa Maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Istanbuul ee Turkiga
July 8, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa (Wajaale News)- Wadahadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya ay  ku leeyihiin Dalka Turkiga ayaa Maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Istanbuul ee  Dalka turkiga. Waxa shirkan goob ka joog ka ahaa Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Xukuumada Turkiga. Sida wararka na soo gaadhayaa ay sheegayaan Wafdiga Somaliland meteleya ayaa madasha la tagay qodobo ay ugu Muhiimsan yihiin Gooni u istaaga iyo Qaranimada Somaliland in ay tahay lama taabtaan halka Wafdiga Somaliya u tagayna ay iyaguna dhinacooda soo bandhigeen qodobo ay ugu Mudan yihiin Midinimada Dawladii burburtay ee Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo isagu Hogaaminayay Xubnaha Wafdiga Somaliland metelaya ayaa mar uu shirkaasi ka hadlayay ayaa si wayn ugu Mahad naqay Dawlada Turkiga dedaalkeeda ku aadan isku soo dhawaynta labada dhinac iyo sidii dhexdoda looga heli lahaa xidhiidh wada shaqayneed isla markaana ay diyaar u yihiin sii ambo qaadida shirka wada hadalada ay u balan sanaayeen.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumada ku mel gaadhka ah ee Koonfurta Somaliya  C/kariim Xuseen Guuleed oo ah Guddoomiyaha Guddida Wadahadalada u meteleya dhinaca Somaliya ayaa isaguna dhinaciisa u Mahadnaqay Dawlada Turkiga ee isku hawshay arinta ay meesha u yimaadeen isaga oo xusay in aanay hawshani ahayn mid si dhakhso ah ku dhammaanaysa. Wafdiga Somaliland ayaa iyagu dalbaday inta shirku uu socdo meqaam gaar ah halka wafdiga soomaliya ka socdaana ay dalbanayaan in shirrarka dambe lagu qabto Somaliland ama Somaliya.

Ilaa imika labada dhinac ayaa isku raacay laba qodob oo iyaga u gaar ah kuwaasi oo kala ah: in qiimayn lagu sammeeyo shirarkii hore ee ay wada yeesheen iyo in ay samaystaan labada dhinac xeer ay isku maamulaan

Shirkan ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo Maalinta bari ah isla markaana si rasmi ah loo shaaciyo waxa ay labada dhinac ku heshiiyaan.

Wajaale News Desk

Hargeysa / Somaliland

COMMENTS
LINKS