|
|||||
WAJAALE NEWS
URURKA SOLJA OO SOO SAARAY WARBIXINTII 6da BILOOD EE HORE SANADKAN 2013 TACADIYADII IYO CAGAJUGLAYNTA IYO XAYIRAADIHII KU DHACAY XORIYATAL QOWLKII SOMALILAND
July 25, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa (Wajaale News) Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa soo saaray Warbixinta 6da Bilood ee hore Sanadka 2013 taasi oo ku saabsan Tacadiyada iyo Xadgudubyada loo gaysto Suxufiyiinta Madaxa Bannaan ee Somaliland. Waxana warbixintan ka dhex muuqda tacadiyo aad u badan oo loo gaysto Suxufiyiinta sida Naf hurnimada ah u shaqeeya ee Reer Somaliland. Warbixintan oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja, Maxamed-rashiid Muxumed Faarax ayaa iyada oo dhammaystiran waxa ay u qornayd sidan: WARBIXINTII 6da BILOOD EE HORE SANADKAN 2013 TACADIYADII IYO CAGAJUGLAYNTA IYO XAYIRAADIHII KU DHACAY XORIYATAL QOWLKII SOMALILAND ARAAR: Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA una taagan ilaalinta Xuquuqda Suxufiyiinta Somaliland iyo tayaynta, sidoo kalena ah Urarka keliya ee Saxaafaddu leedahay ee sifo sharci ah lagu aasaasay, isla markaana ay ku mideysan yihiin inta ugu badan hay’adaha Warbaahinta Somaliland iyo Suxufiyiinta ka hawlgasha. Dhanka kale, Ururka SOLJA waxa xubinimo buuxda ka haysta ku dhawaad 300 Suxufi oo isugu jira rag iyo dumar, isla markaana ka hawlgala gobolada iyo dagmooyinka dalka , SOLJA iyagoo kaashanaya Ururada xuquuqal insaanka iyo kuwa u ololeeya xoriyada saxaafada iyo xoriyatal qowlkaba, waxa uu xil-weyn iska saaray sidii Somaliland u noqon lahayd dal uu ka jiro jewi ku haboon Saxafadda iyo Suxufiyiintu-ba. Haddaba marka indho-fayo qaba lagu eego xaalada cabudhida, cagajuglaynta, iyo xadhiga saxafadda Somaliland iyo sidoo kale dhaqdhaqaaq iyo hab-dhaqano cusub oo ugub ku ah Somaliland ,kuwaasoo sida ururku xogo ku helay lagu damacsanyahay in hayadaha warbaahinta iyo Suxufiyiinta lagu kala qaybqaybiyo ,isla markaana la abuuro saxaafad saaxad ka baxsan hanaanka dimuqraadiyada ,taasoo hadii ay u suurto gasho xubnaha ku hawlan in bulshadu waydo xog sugan oo ay ku go,aan qaataan iyo mid ay rayigooda ku cabiraan. Sidaa awgeed waxaanu ka codsanynaa m/weynaha jamuuriyada Somaliland mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo inuu ilaaliyo xoriyatal qawlka , kana taxadiro in warnbaahinta iyo isaga u dhaxeeyaan dad dano gaara uga faaiidaysanaya Geesta kale waxa uu ururuka Suxufiyiinta Somaliland ee solja baaq u dirayaa wadamada deeq bixiyayaasha iyo ururada caalamiga ah ee saxaafada iyo kuwa xoruyatul qawlka daneeya ,kuwa xuquuqal insaanka inay arimahan wax ka qabtaan oo si toosa iyo si dadbanba ula socdaan dhaqdhaqaaqyada isa soo taraya ee ka socda Somaliland inta ay wax ka qabashada leedahay .Anagoo uga digayna ururadaa iyo hayadahaas inay ku amba baraan xili ay wax waliba faraha ka baxeen muuqata in sanadba sanadka kale kasii kordhayo inta ay xukumada ahmed maxamed maxud silaanyo talada dalka gacanta ku dhigtay, SOLJA oo in farabadan shirar iyo kulana ay arintaa ku lafa gurayso qabatay ayaa waxa kazoo baxay in ay xukumadu masuul ka tahay burburinta xoriyatal qowlka Somaliland. Halkan waxaanu kusoo gudbinaynaa qoraalka iyo warbixin uu ururuku kusoo bandhigayo tacadiya hayadaha warbaahinta,Suxufiyiinta iyo muwaadiniinta rayigooda cabirey ee xadhiga iyo tacadiga loo gaystay mudadii u dhaxaysay JAN-JULLY -2013. ,iyagoo faahfaahsana waa sidan, 2/2/2013 Cabaara 9:30 subaxnimo ayaa waxaa la xidhay weriye C/fataax Ismaaciil Caarshe oo ka tirsan wargayska madaxa banaan ee ogaal ka dib markii uu waraysi iyo sawiro ka qaaday abwaano iyo fanaaniin ka cabanaya wasaarada warfaafinta iyo m/waynaha oo ka saaray xafiiskoodii waxaana lagu xidhay saldhiga dhexe ee magaalada Hargaysa waxaana lasoo daayay 3 saacadood ka dib markii ay fanaaniintii ka tagi waayeen saldhiga hortiisiii 1. C/fataax ismail Caarshe 10,February,2013 Maxamed Cadilaahi Qonbor weriye madaxbanaan ah waxaa lagu xidhay saldhiga dagmada tog wajaale oo loo xidhay war uu shalay baahiyay waraysigaasi oo uu la yeeshay taliyaha sir doon ka dagmada tog wajaale mr jaamac boorama kaasi oo ku saab sanaa askar ka tirsan booliska somaliland ee ka hawl gala kastamka wajaale oo utalabay dhinaca Ethopia hahlkasi oo ay ugaleen milatariga Ethiopia oo dhaawac ka soo gaadhay 2 kamida askarta gaadhigiina lagala hadhay markii uu milatariga Ethiopia uu ka shikiyay hadaba taliyaha sir doonka mr jamac boorama 2. Maxamed Cadilaahi Qonbor 01 march,2013 12:00 am kii duhurmino waxaa magaalada caynabo lagu xidhay maxamed aadan dirir oo ka tirsan televationka Somali chanel taas oo lagu eedeeyay in uu jeelka xoog ku galay oo uu waraysi ka qaaday dad maxaabiisa taas oo amarka xadhigiisa bixiyay taliyaha qaybta boliska Arintaas oo solja kala hadashay inaanay macquul ahayn in weriye aan hub sidani aanu xoog ku gali Karin jeel ay askar hubaysani ilaalinayso Intaa kadib waxaa weriyahaasi dib xoraydiisii loogu soo celiyay oo lasoo daayay 11,march,2013 Dhinaca kale weriye maxamed aadan dirir oo sanadkii horena laba jeer lagu xidhay caynabo ayaa niman bilaysi ugu hanjabeen inaanu war danbe caynaba ka diri Karin sidaa daraadeed wuxuu usoo wareegay markii ay naftiisii halis gashay magaalada bali gubadle oo warka uga soo diro televationka Somali chanel sida uu ii cadeeyay 3,july mar aan kula kulmay magaalada Hargaysa 3. maxamed aadan dirir 18,march,2013 Waxaa lagu xidhay magaalada badhan weriye C/naasir khaalid Siciid oo ah weriyaha magaalda ceerigaabo uga soo warama tv-ga Somali chanel taas oo xadhigiisa uu ka danbeeyay badhasabka gobolka badhan Maxamuud saalax ciyoon waxaana la hadlay badhassabka ururka solja oo uu ka ogolaaday cabaara 11-kii habeenimo oo weriyahaa xabsigii laga sii daayay 4. C/naasir khaalid Siciid 28,march 2013 Waxaa la xidhay 9-kii subaxnimo weriye khadar maxamed xasan oo ka tirsan televation-ka somalisat ka dib markii ay ka cadhootay war uu sii daayay hayada ayoda oo awood badan ku leh gobolka awdal waxaana lasoo daayay maalintii danbe 5. khadar maxamed xasan 4,April,2013 Waxaa magaalada Boorame lagu xidhay markii labaad weriye Khaddar Maxamed Xasan oo hadana ay xadhigiisa mar labaad amartay hayada ayoda Waxaana lasoo daayay malintii labaad ee 5/4/2013 6. khadar maxamed xasan 08/4/2013 Waxaa magaalada Berbera lagu xidhay weriye Yaasiin Jaamac Cali oo ka tirsan ugana soo warama gobolka saaxil tv-ga universal iyo website-ka hadhwanaag ka dib markii lagu eedeeyay war shir jaraaid ah oo ay qabteen odayaal iyo xilibaano golaha deegaanka berbera ka tirsan oo ka cabanayay wershada sibidhka ee m/wayne siilaanyo uu usoo qoray mulkiilaha dahabshiil maxamed siciid ducaale Warkaas oo laga sii daayay televationka universal taas oo xadhiga weriyaha uu amray badhasaabka gobolka saaxil cali afdheer halka uu isagana amray in lasoo qabto weriyaha tv-ga Somali chanel uga warama gobolka saaxil maxamed c/laahi soo fadhiiste oo isagu dhuumasho kaga baxay berbera oo aan Isaga la qaban waxaana weriye yaasiin lasii daayay labo cisho kadib 10/4/2013 7. Yaasiin Jaamac Cali April, 9, 2013 Waxaa xabsiga Gabiley loo taxaabay weriye C/kariin Muxumed Cade oo wargayska Hubaal uga soo warama Magaalada Gabilay amarka xadhigiisana waxaa bixiyay Maayarka Gabilay Mr. Shucayb Maxamed Muuse oo ka cadhooday war lagu baahiyay wargayskaa waxaana weriyahaa xoriyadiisii dib loogu soo celiyay 6 maalmood ka dib 15.4,2013 Ka dib markii ururka SOLJA xoog ku saaray Maayarka oo dalbaday in odayaashiisii u keeno weriyuhu taas oo dhaqanka dawladan kulmiye dhawr jeer oo hore weiyayaal shuruud uga dhigeen. 8. C/kariin Muxumed Cade April.13.2013 Waxaa Magaalada Hargaysa lagu xidhay xarunta C.I.D-da inta ay askarta (RRU)-du garaacday sadex weriye oo ka tirsan TV-ga Horn Cable oo lagu magacaabo 1. Mukhtaar Mursal Maxamuud (Xiin) 2. C/Rashiid Ismaaciil Cabdi (Caynte) 3. Maxamed Daa’uud Yuusuf oo Camera-man Taasi oo uu xadhigooda amray wasiirka macdanta iyo biyaha Xuseen Cali Ducaale kadib markii uu kula balansanaa inuu waraysi ka siiyo heshiisyo patrol qodis ah oo shirkado heshiis kula soo galay waxaana weriyayaashaa lasii daayay afar saacadood ka dib oo ahayd cabaara 2-dii duhurnimo . C/Rashiid Ismaaciil Cabdi (Caynte) 9. Maxamed Daa’uud Yuusuf (Camera-man) April,22,2013 Waxaa magaalada Hargaysa lagu xidhay laba weriye oo kala ah C/raxmaan C/laahi Muxumed(fantaastik) iyo C/qani Xasan Cilmi(dawlad)oo ka tirsan tv-ga bulsho cabaara 9-kii subaxnimo ka dib markii ay wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta ay damceen inay warbixin ka diyaariyaan dayac ka muuqday iyagoo isku dayay inay wasiirka waraysi ka qaadaan ayna u suurto gali wayday ayay askartii wasaarda oo la tuhunsanyahay inuu wasiirku xadhigooda kusoo amray u qaadeen saldhiga dhexe ee magaalada hargaysa oo ay ku xidhnaayeen ilaa 5-tii galabnimo oo lasoo daayay April 24 2013 Cabaara 11; 30 habeenimo waxaa weerar hubaysan lagu soo qaaday xarunta wargayska Hubaal ee Magaalada Hargaysa taas oo ay fuliyeen laba nin oo afka duuban oo ku hubaysnaa baastoolado iyo budhadh ay dhaawac ugu gaysteen Maareeyaha Wargayska m Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) iyo Maxamed Muxumed Farad oo midkooba gacani jabtay labadaa nin oo mid kamida ay qabteen halka kii kalena uu ka baxsaday oo sida uu sheegay taliyaha Booliska Somaliland C/laahi Fadal Iimaan inay labada ninba ka tirsanaayeen ciidamada Booliska Somaliland 10. Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) may 11,2013 Cabaara fiidkii waxaa Magaalada Hargaysa saldhiga sheikh nuur lagu xidhay weriye C/casiis Bashiir Nuur oo ka tirsan shabakada wararka ee Xogreeb kaas oo amarka xadhigiisa uu bixiyay taliyaha saldhigaa oo ka cadhooday war laga qoray ciyaal budhcada oo xaafadaa ka dilaacay waxaana lasoo daayay aroornimadii danbe 11. weriye C/casiis Bashiir Nuur May, 20, 2013 Waxaa Magaalada ceerigaabo lagu xidhay weriye madax banaan oo magaciisa la yidhaa Axmed Yuusuf Taraafiko oo baahiyay war maamulka khaatumo ku xusayay maalinta nadaafada waxaan amarka xadhigiisa bixiyay badhasaabka gobolka sanaag waxaa xidhnaa mudo ayaamo ah 12. Axmed Yuusuf Taraafiko June 2, 2013 Waxaa xabsiga Magaalada gabilay lagu xidhay weriye C/rashiid Muxumed Qalinle oo ah Farshaxan sawir gacmeed ku sawiray raashin mucaawino ah oo dawlada Turkigu ku caawisay Somaliland oo la musuqay waxaana soo dacweeyay oo xidhay ganacsade bakhaar ku leh magaalda Gabilay oo iibiniyay raashinkaa mucaawinada ah oo ku dacwooday sawir Cartoonka inuu ku jiro qof u muuqaal eeg
June-11-2013 Waxaa xayiraad albaabada loogu xidhay xarunta wargayska Hubaal ka dib markii xeer ilaalinta guud ee Somaliland kasoo dalbatay ,Maxkamda Gobolka Hargaysa kaas oo gudoomiyaha maxkamada gobolka Faysal Dhagadhago uu amar xayiraada kasoo saaray oo ilaa hadana aan wargayskii la daabicin
3 July 2013 Waxaa Jeelka loo taxaabay maareeyaha Wargayska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (caloolay) iyo tafatiraha wargayska hubaal Xasan Xuseen C/laahi (keef-keef) ka dib markii uu garsoore cisman fanax oo ka tirsan maxkamada Gobolka ee Hargaysa uu ku riday xukun hal sano iyo labo sano ah iyo lacag ganaaxa oo midkiiba laba milyan oo shilling Somaliland ah Iyadoo maalin kadib damaanad lagu soo daayay labadaa suxufi ,markii racfaan laga qaatay kiiskaas oo makamada racfaanka laga damiintay
DADKA QORAALADA IYO CABIRKA FIKIRKOODA LAGU XIDHAY SANAFDKA 2013 17. Aqoon yahan Jaamac Cilmi Siciid (jiir) 27.march,2013 Aqoon yahan Jaamac Cilmi Siciid (jiir) waxaa gelinkii danbe lagu xidhay saldhiga dhexe ee Magaalada Hargaysa kaas oo lagu eedeeyay maqaal uu warbaahinta ku qoray oo uu kaga hadlayay in beesha ay kasoo jeedaan isaga iyo madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo sad buursiimo qaraaba kiila iyo musuqmaasuq ku hayaan dalka Somaliland intuu xilka m/weynaha siilaanyo qabsaday iyo sidoo kale in ay wasiirada xukuumada ka mid yihiin qolo wadaado ah oo xidhiidh la leh kooxaha islaamiyiinta ah ee mayalka adag waxaana soo eedeeyay xeerilaalinta waxaana amarka xadhigiisa bixiyay c.i.d-da waxaana maxkamada la geeyay iyadoo maxkamadu ku xukuntay 14.april,2013 xadhig dhan 6 bilood iyo ganaax Lacageed oo dhan 6,00,000/=sl shilling Sidaasi ayaa jeelka loogu gudbiyay sidoo kale 6-may-2013 ayaa xoriyadiisii loosoo celiyay kadib ,markii 18. Jaamac Cilmi Siciid (jiir) 2.june,2013 Sida lagu sheegay warbixin ay 2.june,2013 soo saartay hayada xuquuqal insaanka ee magaceedu yahay Human rights center in Magaalada Hargaysa ay ku xidhan yihiin afar qof oo wargayska fore uga waramay raashin mucaawino ah oo la musuqmaasuqay halka weriyihii waraysiga ka qaadayna looga yeedhay xarunta danbi baadhista Somaliland ee C.I.D-da 19. Abwaan Axmed Maxamed Nuur (dhako) 7.June.2013 Waxaa Magaalada Hargaysa lagu xidhay Abwaan Axmed Maxamed Nuur (dhako) oo gabay ka tiriyay uu ku naqdiyayo xaalad sida la sheegayna waxaa xadhigiisa loo adeegsaday odayaasha beeshiisa 8/June/2013 Waxaa Magaalada Hargaysa lagu xidhay Mawliid Aadan Cumar oo maqaalo ka qoray Baanka Somaliland sida uu uga dhaco musuqsaaqu taas oo ilaa hada uu ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee Magaalada Hargaysa iyadoo dacwadii maxkamaduna ay socoto kabid markii xeerilaalintu dacwad kusoo oogtay halka isaguna uu ka qabsaday garyaqaan u doodaya 20. Mawliid Aadan Cumar 10/JUNE/2013 Waxaa Magaalada Hargaysa lagu xidhay Cumar Maxamed Xuseen (ina dhagoole)fikir uu ku baahiyay bar uu ku leeyahay mareegta ama boga xidhiidhka bulshada ee lagu wada sheekaysto ee loo yaqaan FACEBOOK-ga ku qoray qoraalkaa oo fikirkiisa uu kaga hadlayo Arintaas xadhiga muwaadinkaa ayaa waxa ay noqonaysaa markii u horeysay ee Somaliland lagu xidho qof facebook-ga wax qoray 21. Cumar Maxamed Xuseen (ina dhagoole) 11/July/2013 Waxaa mar labaad xabsiga loo taxaabay 11-kii habeenimo ee aqoon yahan Jaamac Cilmi (jiir) isagoo ku sugan huteelka emperial ee Magaalada Hargaysa Sida la sheegay waxaa aqoonyahan jaamac jiir lagu xidhay maqaal uu ka qoray wasiirka duulista iyo hawada maxamuud xaashi cabdi iyo madaxa baratakoolka wasiirka duulista iyo hawada c/laahi axmed caarshe oo aqoonyahan jaamac jiir ,Uu ku eedeeyay inuu m/wayne siilanyo uuka qori jiray maqaalo uu ku aflagaadayn jiray markuu gudoomiyaha kulmiye ahaa inuu xaday qasabadihii gurigiisa uu biyaha wakaalada si tuuga ah ku cabi jiray kaas oo uu hadana wasiirka duulistu u doonayo xil agaasime guud. 22. Cali idiris faarax (cali xajar) 18.july.2013 Cali idiris faarax (cali xajar) oo ka hawl gala TVga SOMALI CHANEL waxa lagu xidhay magaalada saylac waxaana xadhigiisa amray taliyaha ciidanka ilaalada xeebahaee aaga saylac waxaana lasii dayay 24/jully/2013 23.wariye fahiima yasiin muuse 20.jully.2013 Fahiima yaasiin muuse oo ka howlgasha TVga UNIVERSAL iyo shabakada caanka ah ee oodweynenews.com masuuliyinta heer dagmo iyo heergobol ay caga juglayn iyo jidhdil ugu gaysteen askarta ilaalada u ah iyadoo wariye fahiima ku gudo jirta howleheeda shaqo xarunta gobolkaas ee boorama
Wajaale News Desk Hargeysa / Somaliland
Related posts:Daawo Xarunta Dhimirka Ee Sahan Oo Ay Maanta Ka Qalinjabiyeen Dufcadii 8aad Iyo Sheekh Aadan Siiro O... Hantidhowrka Guud oo Xayiraad ku soo Rogay Kabka Dhaqaale Ee Dowladda Dhexe ku Taageerto Miisaaniyad... Dhalinyarada Gobolka Awdal Oo Si Kulul Uga Hadlay Xuska Maalinta Dhagax-tuurka, Eedo Culusna U Soo J... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|