Ururka Qurbajooga Gaardo Laamihiisa Filand iyo UK Oo Deeqa Lacageed soo Gaadhsiiyey Cisitaalka Dhimirka ee gabiley iyo Gabyanka Labaad ee laga Dhisayo Magaalada Arabsiyo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka Qurbajooga Gaardo Laamihiisa Filand iyo UK Oo Deeqa Lacageed soo Gaadhsiiyey Cisitaalka Dhimirka ee gabiley iyo Gabyanka Labaad ee laga Dhisayo Magaalada Arabsiyo
July 31, 2013 - Written by editor

Ururka gaardo oo gudoonsiiyey deeq lacageed masuuliinta gobolka iyo masuulinta gacanta ku haya

cisbitaalka dhimirka oo loogu deeqay $2500iyo dhismaha gabyanka arabsiyo oo loogu deeqay $100………
Wajaale(WJN) Ururka mutadawiciinta Qurbajogg Gaardo ee ka sheqeeya horumarka gobolka gabiley ayaa deeq lacageed soo gaadhsiiiyey cisbitaalka dhimirka ee gabiley iyo Gabyanka labaad ee laga dhisayo dhinac koonfureed ee magaalada arabsiyo, xaflada balaadhan oo lagula kala wareegayey deeqdani lacageed oo lagu qabtey hoolka shirarka ee dawlada hoose, xafladaasi oo ay kazoo qayb galeen maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gabiley, qurbajooga reer gabiley ee dalka kusugan, Gudoomiyaha ururka gardo filand , Cuqaal culimaa,udiin, salaadiinta, dhalinyaro, Maayerka degmada arabsiyo, Xildhibaan Amiin Cumar Cabd.
DSC09176
DSC09127
Uguhoreyn waxaa halkaasi ka Hadley Gudoomiyaha Ururka Gardo Filand shC/samad awdaahir ibraahin,waxaanu ka warbixiyey mashaariicdii horumarineed ee ay gaardo ka fulisay gobolka gabiley, waxaanu dadweynaha reer gabiley ugu baaqay inay isku tashadaan oo ay muujiyaan isku duubni iyo horumar waxaanu yidhi” walaayl ururka gaardo waa urursamo-fal ah,isla markaan wuxuu waxka qabtaa arimaha adeegyada bulshada eek ala duwan xaruntiisuna waa yurub, ujeedadiisu waa inuu ururka ka sheqeeyo horumarka guud ee gabolka gabiley,anaga cidi namay khsabin ee anaga ayaa garaney deegaankii aanu ka nimid inaanu wax tarno,sandkani waxanau qorshaysaney inaanu ka qayb qaadano sadex mashruuc doox arabsiyo, dhakhtarka dhimirka iyo ciyaarihii gobolada,waxaan dadweynaha reer gabiley ka codsanayaa inay midoobaan oo ay ka sheqeeyaan horumarka gobolka gabiley.”ayuu yidhi Gudoomiyahagardo filand
DSC09130
Maayerka degmada gabiley shucayb maxmaed muuse oo halkaasi ka Hadley ayaa u mahadceliyey ururka gaardo kuna amaaney waxqbadka ay gobolka ka fuliyaan waxanau ku sheegay inay ka midyihiin haldoorka gobolka gabiley waxaanu yidhi”sidii caadadooda ahayda ay dhaqanka ku lahaan jireen ururku ay wax la qabtaan walaalahooda waxqabadka samaynaya, oo ay qaybtoodii ku darayaan, runtii anagu maamul ahaan waxaan soo dhaweyneynaa mahad balaadhan waanu u haynaa,Runtii gaardo waxyaabo badan ayey gobolka ka qabteen,waxaan leeyahay gobolkiinii iyo dadkiiniiba way idiin ogyihiin kaalinta aad kaga jiraan horumarka gobolk gabily,ilaahayna waxaan ka baryeynaa inuu miisaanka xasanaadka idiinku daro,sidaa masuuliyiinta ururku ku baaqeena ee ah inay wadajir iyomidnimo muujinana aad baan usoo dhaweyneynaa, Wixii ray fiican naloo soo jeedo gacmo furan ayaanu kusoo dhaweyneynaa.”ayuu yidhi maayerk adegmadu
DSC09151
Xogahyaa fulinta dawlada hoose c/raxmaan nuur abokor oo halkaasi ka Hadley ayaa u mahdnaqay ururka gaardo iyo ururka samo-kaal, waxaanu ku booriyey inay halkaasi kasii wadaan waxaanu yidhi” runtii ururka gaardo doorweyn ayuu ka qaataa horumarka gobolka ka socda, dadka qurbaha jog waxaan u sheegayaa inay dadka wadanka jooga ayna qayilin ee ay fikiraan oo ay kubshilin oo shilling sl ay ku bilaabeen dhismaha cisbitaalka dhimirka, waxaan u mahadnaqayaa msuuliyiinta ururka samo-kaal, waxaan lee yahay ha ka caajisina horumarka gobolka.” Ayuu yidhi xoghaya fulinta dawlada hoose
DSC09154
Xildhibaan maxamed amiin cumar oo ka mdi xildhibaanada golaha deegaanka gabiley ayaa u mahadnaqay masuuliyiinta ururka gaardo waxaanu yidhi”Ururka gaardo waa ururuka ugu firfircoon qurbajooga gobolka, runtii ka qayb qaataa horumarka gobolka gabiley, tan aynu maata jooga ayaa u danabaysa waxqabadkooda, runtii waa dad damqasho uleh horumarka gobolka gabiley, ururka gaardo filand ayaa iyaguna si weyn ugu qayb qaata waxka qabashada adeegyada bulshada, iyaga direysyo kala duwan u keeney ciyaartoyga kala duwan ee xulka ah, waxaa u mahadnaqayaa masuuliyiinta ururka samo-kaal oo isku xilqaamey walaalahooda xanuunsanay inay hoy u dhisaaan .” ayuu yidhi xildhibaan maxamed amiin
DSC09170
Badhasaabka gobolka gabiley yuusuf ibraahin geedi oo xafladaasi soo afmeerey ayaa kadhawaajiyey inuu dhawaan sameyn doono gudida horumarina gobolka gabiley , waxaan u mahadnaqayaa ururada gaardo iyo samo-kaal waxanau yidhi” runtii aad baan ugu faraxsanahay inay ururkii qurbajooga ee gaardo deeq lacageed soo gaadhsiiyaan, dhawar jeer ayaan udirey runtiina way kazoo jawaabeen, waxaan leeyahay ka maamul ahaa waan idin soo dhaweyneynaa wixii horumar ah ee ay samaeynayaa qurbajoogtu, waxaan dadweynaha reer gabiley leeyahay ka sheqeeya horumarka gobolkiina oo la tartama gobolada kale .”
Gabagadii gudoomiyaha jaaliyada filand c/samad aw daahir ayaa deeqdii lacageed ku wareejiyey maamulka gobolka iyo masuuliyiinta gacanta ku haya dhismaha cisbtaalka gabiley iyo dhismaha gabyanka arbasiyo, waxaa dhismaha cisbitaalka dhimirka loogu deeqay $2500 , halka dhismaha gabyanka arabsiyona loogu deeqay $1000
DSC09183
DSC09180
DSC09174
DSC09134
DSC09172
DSC09176
DSC09110
DSC09165
DSC09158
DSC09163
DSC09114

WAJAALE NEWS OFFICE

Gabiley Somaliland

 

COMMENTS
LINKS