|
|||||
WAJAALE NEWS
Ugu yaraan saddex ruux oo ka mid ah taageerayaasha madaxweynihii xilka laga qaaday ayaa lagu dilay dalka Masar.
July 6, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa (Wajaale News)- Tobannaan kun oo ruux oo taageersan Maxamad Mursi ayaa dibedbaxyo dhigay ay uga soo horjeedaan tallaabada ay militerigu xilka uga qaadeen Mursi. Tallabadan ayaa ku soo beegmayso iyadoo Midowga Afrika uu joojiyay xubinnimada Masar ee ururkaas. Militeriga Masar ayaa horey u sheegay in ay oggol yihiin dibexbaxyada nabadda ku dhisan. Sidoo kale, militerigu waxay codsadeen in la sameeyo dib u heshiisiin qaran, iyagoo sheegay inay gudagelayaan sidii loo suuragelin lahaa arrintaasi. Horey ayaa madaxweynaha Kumeel gaarka Cadli Mansur ugu baaqay Ururka Ikhwaanul Muslimiinka inay ku soo biraan dib u dhiska dalka. Afhayeen u hadlay Ikhwaanul Muslimiinka ayaa sheegay in aanay qeyb ka noqon doonin xukun ay sheegeen in laga xoogay madaxweynihii sida sharciga ah loo soo doortay. Dadka reer Masar ayaa u muuqda inay si weyn ugu kala qeybsan yihiin tallaabada militeriga ay xukunka uga tuureen Maxamad Mursi Xigasho: BBC COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|