Tony Hayward gudoomiyaha Genel Oil ayaa WACAD ku Maray inay Shidaal ka Qodi Doonaan Dalka Somaliland liisankooduna ku Qotomo Sharci iyo Kontraat Sax ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tony Hayward gudoomiyaha Genel Oil ayaa WACAD ku Maray inay Shidaal ka Qodi Doonaan Dalka Somaliland liisankooduna ku Qotomo Sharci iyo Kontraat Sax ah.
July 28, 2013 - Written by editor

Faa?iidadu way badnaan doontaa, dhul masaafadiisu gaadhayso 40,000 sq km, waa masaafo gebi ahaanba ka badan gobolka Ciraaq ee Kurdistan, isla markaana khubarada shidaalka ayaa rumaysan in qaab-dhuleedka Somaliland shaabaho ka Yemen

 

 

Warsidaha  Sunday Times oo warbixin ka qortay waraysi ay la yeelatay Guddomiyaha Shirkadda General Energy Mr Tony Hayward, ayaa lagu weydiiyay Hadiiba ay  dhici karaan muranno sharci oo ku yimaadda Goobo hore looga baadhay shidaal isla markaana shirkado kale ogolaansho u haysteen wakhtigii ay Somaliland ka mid ahayd dalkii laysku odhan jiray Somalia.taas oo gabi ahaanaba uu Tony Hayward  gaashaanka u daruuray sheegayna in Somaliland iyo Genel hawlahoodu sharci ku qotomaan

waxaanaytidhi SUNDAY TIMES: ?Sannadka soo socda shirkada Genel ayaa qodi doonta ceelkii shidaal ugu horeeyey ee Somaliland laga qodo, muddo labaatan sannadood ka dib markii ay xornimadeeda kala soo noqotay Soomaliya.

Faa?iidadu way badnaan doontaa, dhul masaafadiisu gaadhayso 40,000 sq km, waa masaafo gebi ahaanba ka badan gobolka Ciraaq ee Kurdistan, isla markaana khubarada shidaalka ayaa rumaysan in qaab-dhuleedka Somaliland shaabaho ka Yemen oo ilaa wakhtigan maalin walba 400, 000 foosto laga soo saaro saliid crude ah.

Balse, weli qofna ma hubo. Somaliland ayaan weli si buuxda loo sahamin. Shirkado shidaal waaweyn, kana mid yihiin  BP, Chevron iyo ConocoPhillips, ayaa hawlo sahamin ka bilaabay dhulkaa sannadihii 1980-kii, laakiin joojiyey markii dagaaladii sokeeye ka bilaabmeen.

Xukuumada Somaliland ayaa liisan sahamin shidaal u siisay Genel,

Mr Hayward aya aaaminsan, ?Deegaamo aan sahaminta ka samaynayno waxa loo soo siiyey shirkado waaweyn sida ConocoPhillips, BP iyo Chevron. Markii annaga dib naloo siiyey Somaliland aqoon buuxda ayey u lahayd qodobada sharci iyo mowqifka dhulkaa. Annagu talooyin sharci badan ayaan qaadanay, mowqifkayagana yididiilo weyn ayaan ku qabnaa.?

Genel ayaa sidoo kale la filayaa inay ku dhexdhacdo halgan sharci oo dhexmara Soomaliya iyo Somaliland oo weli aduunka aan dalna ictiraafin, xitaa Soomaliya, oo sheegan karta shidaal halkaa laga helo.

Laakiin, Mr Hayward, oo hore u ahaan jiray maareeyahii shirkada BP ayaa sheegay  inuu ku qanacsan yahay halista, sidan oo kalena kala kulmay waqooyiga Ciraaq oo u dhexeeyey Kurdishka iyo Baghdad.

?Laga yaabe in Mogadishu hadal sheegto, laakiin xukuumada Somaliland ayaa dhinacayaga ah. Dood muhiim ah ayaa dhici doonta (sida labada xukuumadood ku heshiiyaan qeybsiga).?

Sida uu qabo ururka barriga Afrika ee tamartu, Genel ayaa qeyb ka ah siyaasada balaadhan ee Somaliland iyo Somaaliya ciyaarayaan. Cabdilaahi Maxamuud, agaasimaheeda ayaa sheegay, ?Mushkilada Soomaalidu way ka gudubtay shidaal iyo gaas. Waa dhaqaale iyo kheyraad kale. Shirkadaha yaryar way jecel yihiin inay qeyb ka noqdaan ciyaarta oo liisamo la siiyo.?

Hadii Somaliland hoy shidaal noqoto, waxa amaanta leh Genel, . ?Genel Energy oo sannadka soo socda Ceelashii shidaal ee u horreeyey ka qodaysa Somaliland, ayaa muujiyey kalsooni uu ku qabo heshiiska Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo kula gashay sahaminta iyo baadhista Shidaalka, waxaanu waxba kama jiraan ku tilmaamay in hawshooda ay saamayn ku keeni karto warbixin loo gudiyey golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay isaga oo sheegay inaan cidna loo joojinayn.

 

WAJAALE NEWS DESK

 

Hargaisa Office

COMMENTS
LINKS