|
|||||
WAJAALE NEWS
Soo dhaweeya ramadaanta, kuna qaabila quluub nadiif ah oo qoyan. Dr.Mohamed-Culimo
July 7, 2013 - Written by Wariye:Dr. Maxamed Yuusuf Aw Cali Culimo oo ka mid ah Dhallinyarada Aqoon-yaranka ee Reer Somaliland isla markaana ka mid ah Dhallinyar aanay tiradoodu badnayn oo Aqoon iyo Waayo-aragnimo badan u leh dhinaca Caafimaadka ayaa qoraal kooban oo uu ku soo qoray Bogga uu ku leeyahay Face Book-ga ayaa kaga hadlay sida loogu baahan yahay in loogu diyaar garoobo oo loo soo dhaweeyo Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo kaabiga inagu soo haysa. Qoraalkaasi kooban ayaa waxa uu ku bilaabay sidan “ Bismilaahi Raxmaani Raxiim. Walaalayaal sida aynu la socono waxaa soo dhaw oo maalmaha soo socda bilaabmi doonta bishii khayrka iyo barakada badnayd ee Ramadaan. Waa fursad uu Ilaahay (SCW) siiyo adoomihiisa si ay uga faaiidaystaan. Waa bishii dambi dhaafka iyo cibaadada. Waa bishii sadaqada iyo sakadda. Waa bishii bishii naaraha la iska xoraynayey. Waa bishii shayaadiinta waaweyn la xidhayey. Waa bishii uu ku jiray habeenka laylatul qadrigu oo ka khayr badan kun bilood. Ilaahay ha inagu gaadhsiiyo caafiaad qab ,hana ina waafajiyo ka faaiideysigeeda. Sidaas darted waxaa la inooga baahan yahay inaynu bishan ku qaabilno farxad,cibaado badan iyo niyad wanaagsan. Waxaa inala gudboon inaynu qalbigeena sii nadiifino. Ehelkeena iyo asxaabteenana waa inay ku baraarujino qiimaha maalmahan soo socda. ILaahoow bisha Ramadaan hana dhaafin adiga oo aan noo dambi dhaafin,oo aan naaraha naga xorayn. Amiin” Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|