|
|||||
WAJAALE NEWS
SALAADIINTA IYO CUQAASHTA SACAD MUUSE OO SI KULUL UGA HADLAY HADALO KA SOO YEEDHAY SULDAANKA HABAR AWAL
July 4, 2013 - Written by Wariye:Hargasa (WajaleNews)Shir ay isugu yimaadeen Hotelka Crown maanta Salaadiinta iyo Cuqaasha Sacad Muuse ayay kaga dhawaaqeen Xasan Suldaan C/laahi Suldaan Diiriye inaanu ahayn Suldaanka Beesha iyagoo ku eedeeyay in uu doonayo in uu Baabi’iyo, isla markaana sumcada ka dilo beesha. Salaadiintu waxa ay sheegeen Xasan in uu ahaa ninkii ugu nasiibka badnaa balse garan waayay, iyagoo ugu baaqay Dadweynaha Reer Somaliland gudo iyo dibedba inaanu Suldaan ahayn, saldanada Ninka lihi maalinta uu yimaadana ay ka wada hadli doonaan. Xasan Suldaan waxay ku Eedeeyeen in uu qas iyo jahawareer Beesha Sacad Muuse iyo Habar awal ba kula dhex jiro oo tii shiraysaba uu baabi’iyo sidaas daraadeed waxa ay tilmaameen in aanay mar danbe u dul qaadanayn cid uu Suldaan u yahayna aanay jirin, Sulaadiinta iyo Waxgaradka kan ayaa meesha ka saaray in ay xukuumada qaska dhexwado Shirka beesha Sacad Muuse. ugu dambayntii waxa soo gabogabeeyay Caaqil:CABDI CIIDLE AAMAN oo sheegay in shararku sii socondoonan . OFFICE: HARGAISA BY:HABANE COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|