|
|||||
WAJAALE NEWS
Rag gudboon sal iyo baar Haddii geel isugu jiro By: Faysal Madar
July 11, 2013 - Written by Wariye:BY: faysal Omar Madar (faysal qumuj) Qumuj81@hotmail.com
Mahad oo dhan eebaa iska leh bishu waa ramaadaan (rabow barako noo gali) waxaan isleeyahay tariikh mahadho leh oo xiligeedii ku hagaagtay , waxaan baaq iyo dhiri galin u dirayaa raga dhalinyada ah ee reer Somaliland ee rajo xumida is bidayay ee lahaa wax alla iyo wax jiraa majiraan waxaan leeyhayay walalayaal ha niyad jabina aduunyada ragbaa kunoole kaalaya oo agstiaaga golahan aynu tabaynay ee badbaado qaran, waxa aan shaki ku jirin in dalku dumi gaadhay hadaydaan badbaadin waxa jira oo aad ogtihiin in dalka sharciyadii iyo goleyaashii sharci dajintuba labaabiyay oo dalkii sadexdii gole qaran aqalkaliyii istaadho waxa aanay doodi ka taagnayn in golihii baarlamaanku baa bay oo waxkastoo lasoo dhigo duuduub ku ansixiyaan marka aad waxaaso dhan aragto miyaanay dadka rajo xumo ku beermayn Maansha alaah ayaanu leenahay mujaahidiintaayadiiyow walee dhalintu weydin agtaagantahay ee hawlaha u kala horeysiiya uun iyagaa dhalintu ubaahan in la tilmaamo uun waxa kale oo jira marka madax weynuhu manta leeyahay sharciga dastuurka hala ilaaliyo miyaanu ogayn waxa keenay arintan ama golahani aytahay markaad sharcigii jabisay ee aad xoriyatal qowlkii burburisay maxaa la eeganayaa ee hadhay madax weyne horaad usamaysay golayaashan oo kale waxaad ogaydeen silaanyo alshabaab ku shaqaysanayso oo hargeysa ku dhax qabtay shir lagasoo horjeedo Ethiopia in ay weerar to xamar, siyaasada Somaliland iyo qaranimada miyaad u tudhaysay mise waad mijo xaabinaysay adigu madax weyne. Waxaan kuu sheegaynaa madaxweyne in dalkan lawda leeyahay ee aan sadex yaryari ku tagrifalikarin qaranimada Somaliland oo aanay marba qodobo iskalasoo heshiin Waxaan ugu baaqayaa dhalinta intaanu is ognahay maahee intakale in lays agtaago GOLAHA BADBAADA QARANKA. Waxan maqaalkaygan gun dhig uga dhigayaa tixo ka mida maansadii hadraawi ee GOL-JANO
Rag gudboon sal iyo baar Ninka kale gilgilashada Dabadeeto goobtaas Iyadana go’aan iyo Iyadana col gulufiyo Iyadana go’doon iyo Geba gebada heestiyo COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|