Rag gudboon sal iyo baar Haddii geel isugu jiro By: Faysal Madar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Rag gudboon sal iyo baar Haddii geel isugu jiro By: Faysal Madar
July 11, 2013 - Written by Wariye:

BY: faysal Omar Madar (faysal qumuj)

Qumuj81@hotmail.com

 

Mahad oo dhan eebaa iska leh bishu waa ramaadaan (rabow barako noo gali) waxaan isleeyahay tariikh mahadho leh oo xiligeedii ku hagaagtay , waxaan baaq iyo dhiri galin u dirayaa raga dhalinyada ah ee reer Somaliland ee rajo xumida is bidayay ee lahaa wax alla iyo wax jiraa majiraan waxaan leeyhayay walalayaal ha niyad jabina aduunyada ragbaa kunoole kaalaya oo agstiaaga golahan aynu tabaynay ee badbaado qaran, waxa aan shaki ku jirin in dalku dumi gaadhay hadaydaan badbaadin waxa  jira oo aad ogtihiin in dalka sharciyadii iyo goleyaashii sharci dajintuba labaabiyay oo dalkii sadexdii gole qaran aqalkaliyii istaadho   waxa aanay doodi ka taagnayn in golihii baarlamaanku baa bay oo waxkastoo lasoo dhigo duuduub ku ansixiyaan marka aad waxaaso dhan aragto miyaanay dadka rajo xumo ku beermayn

Maansha alaah ayaanu leenahay mujaahidiintaayadiiyow walee dhalintu weydin agtaagantahay ee hawlaha u kala horeysiiya uun iyagaa dhalintu ubaahan in la tilmaamo uun waxa kale oo jira marka madax weynuhu manta leeyahay sharciga dastuurka hala ilaaliyo miyaanu ogayn waxa keenay arintan ama golahani aytahay markaad sharcigii jabisay ee aad xoriyatal qowlkii burburisay maxaa la eeganayaa ee hadhay madax weyne horaad usamaysay golayaashan oo kale waxaad ogaydeen silaanyo alshabaab ku shaqaysanayso oo hargeysa ku dhax qabtay shir lagasoo horjeedo Ethiopia in ay weerar to  xamar, siyaasada Somaliland iyo qaranimada miyaad u tudhaysay mise waad mijo xaabinaysay adigu madax weyne.

Waxaan kuu sheegaynaa madaxweyne in dalkan lawda leeyahay ee aan sadex yaryari ku tagrifalikarin qaranimada Somaliland oo aanay marba qodobo iskalasoo heshiin

Waxaan ugu baaqayaa dhalinta intaanu is ognahay maahee intakale in lays agtaago GOLAHA BADBAADA QARANKA.

Waxan maqaalkaygan gun dhig uga dhigayaa tixo ka mida maansadii hadraawi ee GOL-JANO

 

Rag gudboon sal iyo baar
Haddii geel isugu jiro
Gar maqaate dhega li’I
Go’aan wadari leedahay
Hadduu goonidiisiyo
Gaarkiis u maamulo
Keligii nin gob yahay
Inta badan gun hoosiyo
Garax iyo qadhoon iyo
Gaagaab ka wada dhigo
Marka loo ged sheegtana
Galka seefta kala baxo
Wuxuu goosto keligii
Ama geysto dabadeed
Garashaa ku tidhi yeel.

Ninka kale gilgilashada
Hadduu giirto hibashada
Ama goosto dabadeed
Gacan inuu ku ciil baxo
Dala’siga la gaasiray
Garashaa ku tidhi diid.

Dabadeeto goobtaas
Dibno foolku goostiyo
Gogoshoo la laaliyo
Gama’ oo la dayrshiyo
Dhulka oo guhaad iyo
Gubashiyo xanuun iyo
Gulcub lala xarriiqiyo
Godob baa ka dhalatoo

Iyadana go’aan iyo
Guubaabo tarantiyo
Gurmashaa ka dhalatoo
Iyadana gantaal iyo
Gaashaan is jiidhiyo
Baadidoo is guratiyo
Gocondhaa ka dhalatoo

Iyadana col gulufiyo
Galow fooridiisiyo
Geesi haadku loogtiyo
Gaaridoo hengelatiyo
Guryo laga baroortiyo
Goblan iyo xabaal iyo
Geeri baa ka dhalatoo

Iyadana go’doon iyo
Gacashiyo hagoog iyo
Gacal kala fogaadoo
Weji gabax is dhaafiyo
Nabaddoo gurracantiyo
Gob jabtaa ka dhalatee
Iga gunud Rashiidow

Geba gebada heestiyo
Gabaygaygan kama wado
Gaax-nuux la talintii
Gabbal dhacay ka hadalkii
Hadda galabta sheekada
Waxaan uga gol-leeyahay
Samihiyo is garabsiga
Berri yaan la gees marin!

COMMENTS
LINKS