|
|||||
WAJAALE NEWS
qormadii 3aad iyo qalinkii Boobe Yuusuf Ducaale
July 30, 2013 - Written by editorMa laga yaabaa in aad rumaysan weydaan, laammi ayaa hadashay. Sow ti Gaarriye Maansadiisii Tanaad ee 1972kii ku lahaa
Qormada: 3aad
Ma laga yaabaa in aad rumaysan weydaan, laammi ayaa hadashay. Sow ti Gaarriye Maansadiisii Tanaad ee 1972kii ku lahaa: “Tukayaasha duulaa, Warka waysu tebiyaan, Waa af-tahan qudhaanjadu, Tigaaddaad arkaysaa, Barbaarta hadda maansada la oogsatay mid yar oo ka mid ah oo tixdan Gaarriye gabay-dheegtay oo laamiyada iyo dhismayaasha ku takhasusay ayaa isagana laga hayaa: Tabashadii dadka iyo dalkaba tii kale ayaa ka badatay. Miyaydaan arag dhowr calan oo yar yar oo Madaxtooyada horteeda sudhan oo lagaga tegay sidii Meey dhowr iyo tobankeedii loo sudhay. Habeen walba waa ay is-haystaan markii ay dhaxantii dabayl-xagaada beer-qaadeen. Mid ayay isugu tagaan ay ku haystaan in uu badkhaarka ka soo saaray oo ku yidhi: “Madaxtooyada ayaa la inagu hor xidhayaa, isla markiibana waa la inaga furayaa oo makhsin qaboojiye leh ayaa la inagu xeraynayaa ilaa Meeyda dambe.” Wuxu intaa ugu daray in ay sidaas kaga daryeel fiicnaanayaan calammada kale isla markaana ka cimri-dheeranayaan. Sidaas ayay dhowrkaa calanna habeen walba miskiinkaa yare ee isaguba ka midka ah u qabsadaan. Habeen, habeen ayaa waxa soo mara Calan-guun oo nin da’ weyn oo waayo-arag ah in bandanna cilmi-baadhis ku sameeyay taariikhda iyo waayaha calammada. Markaasu ku yidhaahdaa: “Waar miyaanay habeen ahayn maxaa meesha idin sudhay? Ma idiinkaan calammo ahayn, mise cid idin yeelataa weydeen? Waa maxay habeennimadan aad sudhan tihiin?” Markaas ayay calammada yar yari yaabaan oo yidhaaahdaan: “Oo calammadu miyaanay dibadda u hoyan jirin.” Markaas ayuu ku yidhaahdaa: “Waar annagu calammadii aanu arki jirnay, lixda subaxnimana ayaa la sudhi jiray, lixda galabnimana waa la dejin jiray oo weliba bigil ama garri ayaa loo afuufi jiray, maarkaasaa inta u dhow ee uu muuqdo oo dhami is-taagi jirtay.” Marka uu intaa yidhaahdo ayay calammada yar yari isku yaac-yaacaan, su’aalo ayay isku boobaan: “Garri….bigil….Miyaa maqasheen? Miyaad aragteen? Hammaa la inoo tumayba. Bal eega Calan-guun badhaadhaha iyo beri-samaadka soo maray.” Markaas ayuu Calan-guun ku odhanayaa: “Iska aammusa waqti loo calaacalaa idin ma dhaafin e’.” Calan yar oo dabayl-xagaadu laba meelood ka dillaacisay ayaa taahaya oo odhanaya: “Waar dillaac kale ayaa igu furmay e’, iga aammusa aan yar laamadoodo e’ (seexdo e’).” Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|