Qayladhaan ay ka muujiyeen mujaahidinti dalka u soo halgamay. hallka ay somaliland Marayso. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qayladhaan ay ka muujiyeen mujaahidinti dalka u soo halgamay. hallka ay somaliland Marayso.
July 15, 2013 - Written by Wariye:

Maxay daaran yihiin shirar goosgoosa oo usocday mujaahidiin katirsan halgamayaashii dalkan waxaa malmihii udanbeeyay waxaa magaalada hargaysa kasocday dhaqdhaqaaqyo aywadeen mujaahidiin kuwaasi oo ay kaga tashanayeen aayaha dalka iyo dadkaba waxaana ayshirarkaasi daaran yihiin mudooyinkii udanbaysay waxaa socday arimo badan oo dalka lagu jahawareerinayo haday tahay siyaasadii arimaha dibada arimaha gudaha hadaba mujaahiintan wxay kadamqadeen arimahaasi oodhan.hadaba af hayeenka mujaahidiinta oo nalasoo xidhiidhay khadka telifoonka Cabdi Maxamed Yuusuf (Cabdi Madoobe) OO  noogana waramay arimahan odhan wuxuuna yidhi

Haa way jirtaa arintaasi waxaanan kadamqanay qadiyadii somaliland oo madmadowgashay kanabaydhay jidkii loogu talagalay waxaana lagu tagri falay awoodii dalka.waxaana lajabiayay dastuurkii dalkan cidnana kayeelimayno in qarankan lamaran habaabiyo. waxa kaluu intaa kudaray bulshada somaliland wayka dhiidhiyi kartaa waxkastoo qaranka waxyeelaya xukuumadana waxaan ugadigaynaa in aan shacbiga aan lawaxyeelay haday wxayna soosaareen qodobqdanI

 

  • In ay diyaar uyihiin difaaca dalka cadawga dibada iyo kagudahaba laga difaaco qaranka

 

  • In wada hadaladii u dhaxeeyay somaliland iyo somalia halkaa lagu xidho maadama la marin habaabiyey lagana duway jidkii tooska ahaa.imikana uu muuqdo mimugdi galinaya qaranimada madaxbanaaninada somaliland, hadana uu gaadhay heer mad madow badanina uu ka muuqdo

 

 

  • In xukuumadu u dhago nuglaado baaqayada kasoo baxaya bulshada lana ilaaliyo xuquuqda aas aasiga ah iyo xoriyatul qawlka, isla markaana aad  looga taxadiro wax kasta oo keeni kara isku dhac

 

  •      In la sheego waxa ay ku safrayaan marka dadka reer somaliland ay u baxayan xajka iyo meelaha kale ee hawlahooga u tagayaan

FIIRO GAAR AH

 

IN AANLAYSKU DAYIN INLOO ADEEGSADO INLAGU CABUDHIYO AWOODA CIIDAN LAGANA DAAYO SHACBIGA CAGOJUGLAYNTA   IN DHAWAYDBA SOCOTAY
AFHAYEENKA MUJAAHIDIINTA CABDI MUXUMED YUUSUF (CABDI MADOOBE)

si kastaba ha ahaatee waxa isasoo taraysa dareeno farabadan oo ay bulshada qaybaheeda kala duwan ka muujinayaan marin habowga ku dhacay siyaasadii
arimaha dibada ee somaliland dhawaaqyadasi oo ka imanaya bulshada qaybaheeda kala duwan

ALLAA MAHAD LEH

WAJAALE NEWS DESK

COMMENTS
LINKS