Qayb Ka Mid Ah Jidka Dawga Cad Oo Xadhiga Laga Jaray Iyo Nuxurka Hadalo Laga Jeediyey Munaasabad Loo Qabtay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qayb Ka Mid Ah Jidka Dawga Cad Oo Xadhiga Laga Jaray Iyo Nuxurka Hadalo Laga Jeediyey Munaasabad Loo Qabtay.
July 29, 2013 - Written by editor

(Wajaalenews) Monday, July 29, 2013
Hargeysa (WJN)- Guddida dhimaha jidka dawga cad ee waqooyiga Somaliland ayaa furtay waji ka mid wadadaasi taasi oo muddo 2 sanno iyo badh ku dhaw socotay .

 

 

Hargeysa (WJN)- Guddida dhimaha jidka dawga cad ee waqooyiga Somaliland ayaa furtay waji ka mid wadadaasi taasi oo muddo 2 sanno iyo badh ku dhaw socotay .

Eng Cabdi Warsame Siciid oo ka mid ah Engineerada waddan dawga cad oo warbixin ka bixiey shaqada ka socota jidka iyo halka ay marayso ayaa yidhi oo ? jidkan ah 3 Kboqol iyo 2 oo KM hawshan intii aanu wadnay waxay ahayd hawl aad u badan ilaahay ayaa mahad iska leh noo

 

 

 

suuro galiyey in aanu wadadaasi dhamanay iyo shaqaalihii hawshan nagala qaybqaatay markay dhamaystirmo waxaa si rasmi ah xadhiga looga jari doono iyada oo aanu imakana biyo mareenka samaynayo inta uu socdona biyo mareenkana waxaanu u gudbinaynaa ka dib si wada loo dhamaystiro? ayuu yidhi

Eng Cabdi Warsame Siciid. Eng Cali Cabdi oo isna ka mid ah guddida farsamaha ee jidkan Dawga cad ayaa isna faah-faahiyey halka ay marayso shaqada waddani oo uu xusay in ay shaqadani ay socotay muddo iyada oo ka dibna ay hadda halkan soo gaadhay in maanta qaybtan xadhiga laga jaro.

Xaaji Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo ka mid ah guddida jidka dawga cad ayaa isna shegay in ololihii ugu horeeyey ee la doonayey in jidkan lagu sameeyo ay bilaabeen laba sanno iyo sideed bilood ka hor waxaanu yidhi? maalintii aanu hawshaasi bilawnay wax lacag ah maanan haynin laakiin waxaanu ilaahay ka barinay in uu hawshaasi noo fududeeyo taasina way dhacday dadka meesha u dhashayna way ka qaybqaateen waxii nala oo dhiibayna halkeedii ma gashay mise may galin iyo wax aanu ku darnayba taan doonayno in aanu imtixaankeeda ka gudubno taas weeeyaan dalkeenu maanta waxa uu u baahanyahay dhisid wadan oo kaliya maaha ee meelkasta in laga dhiso ayuuu baahanyahay sidoo hore loo sheegay waddani in ay u furnaato si ku meel gaadh ah intaanu camuud dhamaynayo markaa waxaanu ka codsanaynaa ragii meesha mari jiray ee hore u diiday inay tabarucaac bixiyaan in ay maanta sidaa ay waddadu tahay nagaga islaamaan oo ay ku ilaaliyaan ayaanu doonaynyaa bishaa imaka dhamaatay ee aanu ku maqanahay Camuud waxaanu ku wareejinaynaa gaadiidka meesha mara wa ain waddada imaka dhamaatay waa in gacanta lagu hayo ?. Guddida jidkan oo jidkan muhiim ah dhanka socodka gaadiidka ayaa ay guddida u baaqay in laga qayb-qaato dhamaystirkiisa iyada oo uu haantan qayb-tii ugu muhiimsan la furay lana sii wadi doono ilaa inta laga dhamaystirayo.

WAJAALE NEWS OFFICE
Hargeisa Somaliland
COMMENTS
LINKS